La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Zerrin Sari

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Zerrin Sari waa hoggaamiye muhiim ah Xisbiga Xoraynta Kacaanka Dadka (Turkish: Devrimci Halk Kurtuluş Partisi Cephesi, or DHKP/C). DHKP/C wuxuu bartilmaameedsaday danaha Maraykanka, oo ay kamid yihiin ciidanka Maraykanka iyo shaqaale diblomaasiyadeed iyo xarumo ilaa markii la abuuray 1994 markaasi oo kii uga horreeyey, Devrimci Sol ama Dev Sol, uu burburay. Hadafkiisu waa inuu ka joojiyo raadka Maraykanka iyo NATO Turki, uuna abuuro dawlad hantiwadaag ah. Febraayo 2013, qof bam isku qarxiyey oo xidhiidh la leh kooxda ayaa weeraray Safaaradda Maraykanka ee Ankara, oo dilay nabadsuge Turki ah. Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanku waxay u aqoonsatay DHKP/C Urur Argagixiso ah oo Ajaanib ah 1997, waxay dib-u-eegtay siina wadday u aqoonsanaantan Luulyo 24, 2013.

Zerrin Sari waa looyar ka shaqaysay difaacista Dev Sol 1990-dii ilaa ay ka qaxday Turki 1993. Waxay guursatay hoggaamiyihii aasaasay DHKP/C Dursun Karatas, si wadajir ahna waxay u abaabuli jireen hawlaha DHKP/C ee Yurub. Sari waxa maxkamad lagu saaray Biljam 1999; waxay ku qaatay wakhti xabsi, waxaana la sii daayey 2008, sannadkii Karatas uu u geeriyooday kansarka. Waxa la sheegaa inay tahay hoggaamiyaha qarsoon ee DHKP/C, sida lagu eedeeyana waxay bixisay ammarada weerarada lagu qaaday xarumaha bilayska Turkiga iyo dhismaha guryeynta bilayska ee Ankara Sibtambar 20, 2013. Sari sidoo kale waxa la rumaysan yahay inay ka masuul ahayd, iyada iyo Musa Asoglu, weeraradii Maarso 2013 ee lagu qaaday Wasaaradda Caddaaladda Turkiga iyo xarumaha xisbiga AKP ee Ankara, oo uu ku dhaawacmay qofi.

Musa Asoglu, Zerrin Sari, iyo Seher Demir Sen waa hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Xoraynta Kacaanka Dadka (Turkish: Devrimci Halk Kurtuluş Partisi Cephesi, or DHKP/C).

Sawirro dheeraad ah

Sawirro dheeraad ah ee Zerrin Sari
Sawirro dheeraad ah ee Zerrin Sari