La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Yasin Kilwe

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Yasin Kilwe waa amiirka al-Shabaab ee Puntland, waqooyiga Soomaaliya. Sida hoggaamiha maleeshiyaadka Galgala ee buuraha Golis, Dhammaadka bisha Fibraayo, 2012 Kilwe wuxuu qaraal la duubay oo lagu shaaciyay raadiyaha ku hadla afka al-Shabaab ku sheegay inuu ballan-qaadey taageeradda uu uhayo ururka al-Shabaab iyo al-Qaacida. Amiirka al-Shabaab Axmed Cabdi aw-Godane ayaa si rasmi ah u magacaabay in Kilwa uu yahay hoggaanka gobolkaas.

Al-Shabaab garabka maleeshiyaadka ee maxkamaddihii Islaamiga ee Guddiga Soomaali kuwaasoo koonfurta Soomaaliya qabsadey nuskii labaad ee 2006. Al-Shabaab way sii waday rabshadihii fallaagonimada ahaa ee ay ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kooxda waxay sheegatey in ay mas’uul ka yihiin dhowrkii bambaano – oo isugu jira dhowr nooc oo weeraro isoo biimays ah – Magaaladda madaxda Muqdisho iyo bartamaha iyo waqooyi Soomaaliya, caaddo ahaan iyaga oo bartilmaameedsanaya mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa loo hayto in ay yihiin taageerayaasha Dowladda Dhexe ee ku Meel Gaarka ah (TFG) Soomaaliya. Al-Shabaab waxay mas’uul ka ahayd laba qarxis isbiimeys ah oo ka dhacey Kampala, Uganda, 11 bishii Luulyo, 2010, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof, oo uu ku jiro qof Ameerikaan ah. Kooxda ayaa sidoo kale diley qof Soomaali oo nabadda u ololeeya, shaqaalaha deeqa ee caalamiga, dhowr xubin oo ka tirsan bulshada shacabka, iyo jornaaliistiyaal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa al-Shabaab u magacaawdey in ay yihiin Urur Argaggixiso Ajanabi sida hoos timaada Qeybta 219 Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda (la baddalay) 26 bisha Fibraayo, 2008, oo Gaar ahaan ururka waxaa loo Magacaabey in ay yihiin Argagixiso Caalami ah sida hoos timaada Amarka Go’aan meel-marinta ee 13224 ee soo baxay 29 bisha Fibraayo, 2008. Bisha Febraayo 2012, al-Shabaab iyo al-Qaacida waxay ku dhawaaqeen in ay si rasmi ah u midoobeen.