Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Weeraro la Qorsheeyay ama Weeraro Hore oo lid ku ah Ergooyinka Diblomaasiga Mareykanka ee Caalamkoo-dhan

 

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada (Reward for Justice) waxay ku yaboobaysaa in ay abaal-marin ahaan u bixiso lacag gaaraysa ilaa iyo $3 milyan oo la siiyo qofkii soo gudbiya xog u horseeda in laga hortaggo ama lagu gaaro xal la jeclaysan karo ee fal argaggixisonimo oo lid ku ah dad Ameerikaan ah ama hanti la xiriirta ergiga diblomaasiyiinta Mareykanka. Qof kasta oo inoo soo gudbiya xog ku saabsan ficil la qorsheynaayay ama weeraro hore u dhacay oo loo gaystay ergooyinka diblomaasiga Mareykanka waxaa dhici karta in la siiyo abaal-marin. Ergooyinka diblomaasiga Mareykanka waxaa ka mid ah safaaraddaha, qunsuliyadaha, xafiisyada qunsulka, dhismo safaarad, iyo xafiisyada kale ee wakiillada ee caalamkoo-dhan.