Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Saliida iyo Waxyaabaha Qadiimiga ee si Suuq-madoow ahaan ay Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL)] uga ganacsada

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada waxay ku yaboohaysaa abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyuun oo la siinaya qofkii keena xog ama macluumaad horseeda in carqaladeyn lagu sameeyo iibinta iyo/ama ganacsiga saliida iyo alaabaha qadiimka oo qaaliga ah oo loo gadado, laga gado, ama magacooda lagu iibiyo, ama loogu talagalo in ay ku faaidaystaan kooxda argaggixisada ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya kawaasoo sidoo kale afka Carabiga ayadoo lasoo gaabiyay loogu yeero DAACISH.

Kooxaha argaggixisada sida Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya ee ISIL si howlaha argaggixisonimo iyo weerarada ay soo qaadaan waxaa ka kaalmeeya oo ay isku haleeyaan dhaqaalaha iyo taageerada ka soo gasha shabakado. Ka ganacsiga sharcidarada ah ee iibinta iyo suuqgaynta waxyaalihii laga soo bililiqaystay wadanka Suuriya iyo Ciraaq ayaa ah isha ugu muhiimsan oo ay waxka soo galaan ururka argaggixisada ISIL waxaana ka soo gasha malaayiin doolar oo ah daqli adag oo usuurtogaliya in ururkan argaggixisada ee ISIL kula kacaan falalka waxashnimada oo ayna caddaadiyaan dadka shacabka ee bari ka ah waxa socda. Waxyeellada iyo boobka bililiqaysi uu ururka ISIL u geysto goobaha taariikhiga ah iyo dhaqanka ee Ciraaq iyo Suuriyaha ayaa waxay saameysay waxyaabihii iyo goobihii qadiimiga ah oo marqaatiga u ahaa bulshada iyo noloshii dadkii hore. Waxyaabaha ay Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [ISIL] ay raadinayso ayaa waxaa ka mid ah walxaha qadiimiga ee dhaqamada Ciraaq iyo Suuriya ka soo jeeda ee qaaliga ah sida Sunuudihii, majoowharaadkii iyo dhagaxyada dhalaalla ee qaaliga ah, looxyada derbiga ee qoraalka qadiimiga ku qoran, farshaxanka, weelal ama sanaadiiq, iyo miisaska ay ku qoran yihiin qoraalada qadiimiga. Waxaa jira Liistiyaal Degdegga oo Cas oo ay ku Qoran yihiin Walxaha Dhaqamadahaasi ka soo jeeda ee Halista ku Jira, oo ay soo saartay Guddiga Caalamiga ee Matxafyada iyagoo taageero ka helayaan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, liistigaas oo dhammaystiran ayaa waxaa ku qoran walxaha la soo bililiqaystay oo laga soo xaday wadamada Suuriya iyo Ciraaq in ganacsi-suuq madow lagu iibiyo, oo waakan halka ay ku qoran yihiin http://icom.museum/resources/red-lists-database/red-list/syria/ iyo http://icom.museum/resources/red-lists-database/red-list/iraq-2015/.

Iyadoo hadafka uu yahay sidii loola dagaalami la’haa maalgelinta iyo daqliga ururkan ISIL, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Marykanka waxay bixinaysaa abaal-marin la sii nayo cidii keenta macluumaad ama xog ku saabsan shaqsiyaadka ama shirkaddaha lugta ku leh soo saarista, fududeyn ama sahlinta, meelmarinta, dhuumaalaysiga, qaybinta, iibinta, iyo ka ganacsiga saliida iyo alaabaha qadiimka oo qaaliga ah oo ay ka faaidaystaan ururka ISIL, iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan shabakaddaha dhuumaalysiga, qaababka, iyo dariiqooyinka hoos yimaada howlahan.

http://eca.state.gov/video/conflict-antiquities-panel-1-video

http://eca.state.gov/video/conflict-antiquities-panel-2-video

Waxyaabaha Qadiimiga

Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga
Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga
Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga
Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga
Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga
Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga