Sheekooyinka Guusha

Toting Craft Hanno

La Xukmiyey

Toting Craft Hanno wuxuu ka tirsanaa Kooxda Abu Sayyaf wuxuuna ka qayb qaatay shilkii afduubka ee ka dhacay Dos palmas bishii Maajo 2001.

27-kii Maajo, 2001, ASG waxay goobta dalxiiska Dos Palmas ee ku taal magaalada Palawan dalka Philippines ku afduubeen seddex qof oo muwaadanin Mareykan ahaa. Seddexda qof ee Mareykanka ahaa waxay kala ahaayeen Guillermo Sobero iyo Martin iyo Gracia Burnham, oo ahaa laba qof oo is-qaba oo diinta faafiyo. 11-kii Juune, 2001, afhayeenka ASG, Abu Sabaya, wuxuu sheegay in la dilay Guillermo Sobero taasoo loogu talagalay “haddiyadda maalinta dhalashada” ee Madaxweynaha dalka Philippine Gloria. 7-dii Oktoobar, 2001, waxaa Jasiiradda Basilan laga helay lafihii madaxa qof bani’aadan ah, waxaana la ogaaday in uu ahaa madaxii Guillermo Sobero. Bishii Juune 2002, Martin Burnham wuxuu ku geeriyooday rasaas ay isdhaafsanayeen ciidamada Filipino iyo ASG; waxaa ku dhaawacmay Gracia Burnham, hase ahaatee waa la badbaadiyey waxaan loo dhoofiyey dalka Mareykanka.

Abaalmarin gaarayso $100,000 ayaa lagu bixiyey macluumaadkii suurageliyay in la soo xiro Hanno 6-dii Janaayo, 2005.