La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Talaal Xamiyah (Talal Hamiyah)

Abaalmarin Gaaraya Illaa $7 Milyan

Talaal Xamiyah waa madaxa Ururka Xisbullah ee Ururka Amniga Dibadda [External Security Organization (ESO)], kaas oo gacanta ku haya goobo habaysan oo dunida ku yaala. ESO waa qofka Xisballah mas’uulka uga ah qorshaynta, isuduwida, iyo meel-marinta weerrarada argagaxiso ee Labanaan meel ka baxsan ka dhaca. Weerarrada waxay lagu bartilmaamaystaa Israaiiliyiinta iyo Ameerikaanka.

Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Mareykanka shaqsigan Talaal Xamiyah ku magacaawday taariikhda markay ahayd 13ka bisha Seteember, 2012 inuu yahay Argagaxiso Gaar ah ee u Magacaaban Caalamka [Special Designated Global Terrorist (SDGT) iyadoo loo hiigsanayo Amarrada Dowliga ee 13224 inuu gacan ka geysto howlaha weerarrada argagixisada ee Xisballah ee Bariga Dhexe iyo caalamka oo dhan.