Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Dilka Joel Wesley Shrum

Taizz, Yemen | 18ka Maarso, 2012

Taariikhdu markay ahayd 18ka bisha Maarso, 2012, Shrum, oo ay da’diisu ahayd 29, waa la toogtay oo la dilay isagoo shaqadiisa ku sii socda ee magaalada Taizz, Yemen, waxaa dilay qof qori ku hubbaysnaa oo mooto gadaal ka saarnaa isagoo gaarigiisa wada saaran dhinac dhigtay qofka mootada saarnaa.

Xilligii la dilayay, Shrum wuxuu ka shaqayn jiray Xarunta Horumarinta iyo Tabbabarka Caalamiga [International Training and Development Center] isagoo maamule iyo macallin maadada Ingiriiska dhiga ka ahaa. Wuxuu markaas isaga iyo xaaskiisa iyo labadiisa carruur ay ku noolaayeen wadanka Yemen.

Dhowr maalmood weerarka ka dib, ururka argaggixisada ee al-Qaidada jooga Arabian Peninsula (AQAP) ayaa mas’uuliyadda dilkaas sheegtay.

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada [Reward for Justice] waxay ku yaboohaysaa in abaal-marin ahaan ay ku bixinayso lacag gaaraysa ilaa $5 milyan oo doolar oo ay siinayso cidii keenta macluumaad u horseeda in la so qabto ama maxkamad lagu saaro qofkii geystay, qorsheeyay inuu geysto, ama gacan ka gaystay dilkii muwadinniintii Ameerikaanta ahaa ee lagu magacaabi jiray Joel Shrum.

Sawirro dheeraad ah ee

Joel Shrum English Poster