La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Seher Demir Sen

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Seher Demir Sen waa hoggaamiye muhiim ah Xisbiga Xoraynta Kacaanka Dadka (Turkish: Devrimci Halk Kurtuluş Partisi Cephesi, or DHKP/C). DHKP/C wuxuu bartilmaameedsaday danaha Maraykanka, oo ay kamid yihiin ciidanka Maraykanka iyo shaqaale diblomaasiyadeed iyo xarumo ilaa markii la abuuray 1994 markaasi oo kii uga horreeyey, Devrimci Sol ama Dev Sol, uu burburay. Hadafkiisu waa inuu ka joojiyo raadka Maraykanka iyo NATO Turki, uuna abuuro dawlad hantiwadaag ah. Febraayo 2013, qof bam isku qarxiyey oo xidhiidh la leh kooxda ayaa weeraray Safaaradda Maraykanka ee Ankara, oo dilay nabadsuge Turki ah. Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanku waxay u aqoonsatay DHKP/C Urur Argagixiso ah oo Ajaanib ah 1997, waxay dib-u-eegtay siina wadday u aqoonsanaantan Luulyo 24, 2013.

Sen waxay ku biirtay Dev Sol 1980 waxayna kaqaybqaadatay hawlaha Dev Sol ilaa 1994, markaasi oo ay kusoo biirtay DHKP/C kuna dallacday meel hoggaamiyenimo Giriiga. Sida la sheegay waxay ahayd guddoomiyaha xafiiska DHKP/C ee Athens. Waxay xubin ka tahay guddida dhexe DHKP/C, cutubka go’aan qaadashada kooxda ee sare.

Musa Asoglu, Zerrin Sari, iyo Seher Demir Sen waa hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Xoraynta Kacaanka Dadka (Turkish: Devrimci Halk Kurtuluş Partisi Cephesi, or DHKP/C).

Sawirro dheeraad ah

Seher Demir Sen