La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Saami Jasim Maxammad al-Jaburi

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Sami Jasim Maxammad al-Jaburi, oo sidoo kale loo yaqaan Xaji Xamid, waa hoggaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Siiriya (ISIS) wuxuuna xubin ka yahay dhaxal sugaha kooxda ISIS ee al-Qaacida ee Ciraaq (AQI). Maxammad al-Jaburi wuxuu door muhiim ah ka qaatay maareynta dhaqaalaha howlgalada argagixisada ee kooxda ISIS.

Intii uu ahaa ku xigeenka kooxda ISIS ee koonfurta Mosul sanadkii 2014, waxaa la sheegay inuu hayay jagada wasiirka maaliyadda ee ISIS, isagoo kormeeraya hawlgallada kooxda dakhligii ka soo galayay iibka sharci darrada ahaa ee saliida, gaaska, waxyaabihii qadiimiga, iyo macdanta.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay isagu u magacowday inuu yahay Argagixiso Gaar ah oo loo magacaabay bishii Seteember 2015, sida uu qabo Amarka Go’aan meel-marinta (EO) 13224, kaasoo cunaqabateyn dhaqaale saaray argagixisada iyo kuwa bixiya taageerada argagixisada ama falalka argagixisada.

Taariikhdu makay ahayd bishii Juun 2014, ISIS, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Daacish’, ayaa la wareegtay qaybo ka mid ah wadanka Suuriya iyo Ciraaq, oo waxay isku magacawday waxa loogu yeero “khilaafada” Islaamka, oo waxayna Al-Baghdadi ugu magacdareen inuu yahay “khalaafada.” Sanadihii la soo dhaafay, ISIS waxay ay daacadnimo ka heshay kooxaha jihaadiyiinta iyo shakhsiyaad xagjirka ah oo ka kala socda daafaha dunida, iyagoo dhiirrigelinaya weerar ka dhaca dunida.

Abaalmarintani waxay muhiim u tahay dagaalka aan kula jirno kooxda ISIS. Maaddaama kooxda ISIS looga adkaaday ama lagu jebiyay goobta dagaalka, waxaa na go’an in aan sheegno oo aan soo helno hoggaamiyeyaasha kooxda si isbahaysiga caalamka ee waddammada la dagaallamaya ISIS ay uga adkaadaan oo ayna u sii wadaan inay baabi’iyaan haraadiga kooxda ISIS ayna hakiyaan himilooyinkooda adduunka.

Sawirro dheeraad ah ee

Saami Jasim Maxammad al-Jaburi