La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Salih al-Aruri

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Bishii Oktoobar 2017 dhexdeeda, Salih Al-Aruri, oo ah mid ka mid ah Guutada Izzedine al-Qassam Brigades, waa garabka militeriga Xamaas, ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo hoggaamiye ku xigeenka Xafiiska Siyaasadda Xamaas. Al-Aruri wuxuu maal-geliyaa oo uu amraa howlaha militeriga Xamaas oo ay ka wado Galbeedka West Bank oo waxaa lala xiriirinnayaa inuu geystay weerraro argagaxiso oo dhowr ah, afduub, iyo qafaalasho. Sanadkii 2014 dhexdeeda, al-Aruri wuxuu ku dhawaaqay in Xamaas ay ka mas’uul tahay weerarkii dhacay 12ka bisha Juun, 2014 oo lagu afduubbay oo laguna dilay seddex dhallinyaro oo Israaiili ah ee ku sugnaa Galbeedka West Bank, oo ay ku jiro qof isla haystay dhalashada Mareykanka iyo Israaiili oo la yiraahdo Naftali Fraenkel. Si waadax ah ayuu u ammaanay in dilka uu yahay sida “howl halyeennimo” inuu ahaa. Bishii Seteember 2015 dhexdeeda, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay u idmatay in al-Aruri uu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah [Specially Designated Global Terrorist (SDGT)] sida uu qabo Amarrada Dowliga ee 13224, amar sababaya in cuno-qabatayn lagu soo rogo hantidisa maaliyadeed.

Sawirro dheeraad ah ee

Lebanese Hizballah Poster - English
Lebanese Hizballah Poster - Arabic
Lebanese Hizballah Poster - Farsi
Lebanese Hizballah Poster - French