La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Musa Asoglu

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Musa Asoglu waa hoggaamiye muhiim ah Xisbiga Xoraynta Kacaanka Dadka (Turkish: Devrimci Halk Kurtuluş Partisi Cephesi, or DHKP/C). DHKP/C wuxuu bartilmaameedsaday danaha Maraykanka, oo ay kamid yihiin ciidanka Maraykanka iyo shaqaale diblomaasiyadeed iyo xarumo ilaa markii la abuuray 1994 markaasi oo kii uga horreeyey, Devrimci Sol ama Dev Sol, uu burburay. Hadafkiisu waa inuu ka joojiyo raadka Maraykanka iyo NATO Turki, uuna abuuro dawlad hantiwadaag ah. Febraayo 2013, qof bam isku qarxiyey oo xidhiidh la leh kooxda ayaa weeraray Safaaradda Maraykanka ee Ankara, oo dilay nabadsuge Turki ah. Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanku waxay u aqoonsatay DHKP/C Urur Argagixiso ah oo Ajaanib ah 1997, waxay dib-u-eegtay siina wadday u aqoonsanaantan Luulyo 24, 2013.

Musa Asoglu wuxuu ku biiray DHKP/C 1990-dii isaga oo degganaa Netherland. Sida la sheegay waxa uu dhaxlay hoggaanka kooxda kadib markii aasaasihii ururku, Dursun Karatas, uu geeriyooday 2008. Asoglu waa xubin kamidah guddida dhexe ee DHKP/C, cutubka go’aan qaadashada sare ee kooxda, waxaana la aaminsan yahay inuu hoggaamiyo arrimaha dhaqaalaha kooxda iyo hawlaha qaandhaan ururinta ee Yurub. Sida la sheegay isaga ayaa amray weerarkii isqarxinta ee Febraayo 1, 2013 ee Safaaradda Maraykanka ee Ankara, kaasi oo uu ku dhintay nabadsuge Turki ah. Sidoo kale waxa la rumaysan yahay inuu ka masuul ahaa weeraradii Maarso 2013 ee lagu qaaday xarumaha xisbiga AKP iyo Wasaaradda Caddaaladda Turkiga.

Musa Asoglu, Zerrin Sari, iyo Seher Demir Sen waa hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Xoraynta Kacaanka Dadka (Turkish: Devrimci Halk Kurtuluş Partisi Cephesi, or DHKP/C).

Sawirro dheeraad ah

Sawirro dheeraad ah ee Musa Asoglu
Sawirro dheeraad ah ee Musa Asoglu
Sawirro dheeraad ah ee Musa Asoglu