La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Maxamedd Abbatay (‘Abdiraxman al-Maqribi)

Abaalmarin Gaaraya Illaa $7 Milyan

Maxamed Abbatay, oo ku magac dheer Cabdiraxmaan al-Maqribi, waa hoggaamiye muhiim ah oo al-Qaacida ah saldhiggiisuna yahay Iiraan. Al-Maqribi, wuxuu muddo dheer agaasime ka ahaa garabka warfaafinta al-Qaacida, ee al-Saxab, waana soddoga iyo la-taliyaha sare ee hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Dawahiri.

Dukumiintiyo laga soo qabtay hawlgalkii millatari ee sanadkii 2011 ee ka dhanka ahaa hogaamiyihii hore ee al-Qaacida Usama bin Ladin ayaa muujinaya in al-Maqribi uu ka ahaa hoggaamiye sarre oo ka tirsanaa al-Qa’ida sanado badan

Al-Maqribi wuxuu al-Qacida ka noqday maareeyaha guud ee Afganistan iyo Pakistan ilaa 2012. Kadib sanado badan oo cadaadis caalami ah oo la dagaalanka argagixisada ah, wuxuu u guuray Iran, halkaas oo uu ka sii waday kormeerida dhaqdhaqaaqayada al-Qacida ee aduunka oo dhan. Isaga oo ah madaxa xafiiska isgaarsiinta dibada ee al-Qacida, al-Maqribi wuxuu isku dubaridaa howlaha kooxaha kake ee lashaqeeya al-Qacida.