Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Shabakada Maaliyadda ee Lubnaan Hizballah

Abaal-marinta Caddaalada waxay ku yaboohaysaa in ay bixinayso abaal-mari gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Hizballah Lubnaan. Kooxaha argagixisada sida Hizballah waxay ku tiirsan yihiin shabakado maal-galin iyo shabakado u fududeyeeya si ay u sii wadaan hawlgallo iyo weerarda ay caalamka ka geystaan. Hizballah waxay sannad kasta kasbadaan hal bilyan oo doolar iyada oo ay u soo marto taageero dhaqaale oo toos ah oo ay ka helaan Iiraan, ganacsiyada caalamiga ah iyo maalgashiga, shabakadaha deeqaha bixiya, musuqmaasuqa, iyo dhaqdhaqaaqa lacag aan sharci ahayn. Kooxdu waxay lacagahan u isticmaashaa si ay u taageeraan waxqabadyadooda rabitaankooda waxyeellada xun ee adduunka oo dhan, oo ay ka mid yihiin: In xubnahooda maleeshiyada ay daadgureeyaan Suuriya iyagoo ku taageeraya kaligii taliyaha Assad; hawlgallada lagu eedeeyey in ay sameeyaan ilaaladooda iyo ururin sirdoon oo ay ka sameeyaan gudaha Mareykanka; iyo wanaajin awooddaha milateri ee kor u qaadista ilaa heer ay Hizballah sheeganayso in ay leedahay gantaallo si sax isu hagga. Hawlgalladan ururradan argagixiso waxaa lagu maalgeliyaa shabakadda caalamiga ah ee Hizballah ee taageerada maaliyadeed iyo dhaqdhaqaaqyo – ka haqabtirayaasha maaliyadeed iyo dhismo kuwaas oo ka dhigaya in Hizballah ay u noqto mid nafsiisa.

Hizballah waxay heshay hub xadi badan, tababar, iyo maalgelin oo ay ka hesho Iran, kaas oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda uu ugu magacaabay in ururka uu yahay urur argaggixiso oo ay dowlad wakiilatay. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxay Hizballah u magacawday inuu yahay Urur Argagixiso Shisheeye (Foreign Terrorist Organization) (FTO) inta lagu jiray bishii Oktoobar 1997, iyo sidii kale waxay u magacowday inuu yahay Urur Argaggixiso Caalami oo Gaar ah (Specially Designated Global Terrorist) (SDGT) inta lagu jiray bishii Oktoobar 2001 ee hoos timaadda EO 13224.

Abaalmarinta waxaa loo fidin karaa oo loogu talgalay qofkii keena macluumaad u horseeda aqoonsiga iyo carqaladaynta:

  • ilaha ugu muhiimsan ee meelaha dakhliga ka helo ururka ama farsamooyinka dhaqaale ee muhiimka ah;
  • deeq bixiyayaasha ugu waaweyn ee Hizballah iyo fududeeyayaasha dhaqaale;
  • hay’adaha maaliyadeed iyo xarumaha kala beddelidda oo si kas u fududeya heshiisyada Hizballah ee muhiimka ah;
  • ganacsiyada iyo maalgelinta ay Hizballah iska leedahay ama ay gacanta ku hayaan;
  • shirkadaha hore ee ku hawlan soo iibsiga caalamiga ah ee laba isticmaalka teknoolajiyada; iyo
  • mashaariicda dambiyada ee ku lug leh xubnaha kooxda Hizballah iyo taageerayaasha, kuwaas oo dhaqaale ahaan ururka ka faa’iideysanaya.

Si loo gaaro carqaladeyntan, abaal-marinta loo bixinayo waxay muujineysaa ama hoosta ka xariiqaysaa shaqsiyaadka soo socda tusaale ahaan maalgeliyayaasha iyo fududeeyaasha kooxda Xizballah ee ugu muhiimsan ee cidda ay ka raadinayso macluumaadka oo ay Waaxda Hanti-dhowrka ee Mareykanka (U.S. Department of the Treasury) u magacawday SDGTs:

 
Muhammad Qasir

Muhammad Qasir

Magaca:
Muhammad Qasir

Sidoo kale Loo Yaqaano:
Muhammad Jafar Qasir; Mohammed Jaafar Kassir; Shaykh Salah; Fadi; Mr. Fadi; Majid; Eynaki; Hossein Gholi

Taariikhda Dhalashada:
Febraayo 12, 1967

Goobta dhalashada:
Dayr Qanun Al-Nahr, Lubnaan

Jinsiyadda:
Lama yaqaan

Kooxda Argagixisada:
Lebanese Hizballah

Xilalka/Jagooyinka Shakhsiyeed:
Argagixisada Caalamiga ah ee Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka u Magacowdey Si Khaas ah (Treasury Specially Designated Global Terrorist, SDGT) – Meey 15, 2018; Iyada oo ku xiran cunaqabateyn labaad oo waafaqsan Xeerarka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Hizballah.

Muhammad Qasir waa maalgeliye muhiim u ah Hizballah, kaas oo maalgeliya howlaha Hizballah isaga oo u maraya isticmaalka kontorabaan iyo wax iibsasho sharci daro ah iyo ganacsiyo kale oo dembi ku lifaaqan. Isaga waa marin muhiim ah oo lacagaha laga soo qaado Kooxda Xoogga Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamka (Islamic Revolutionary Guard Corps-Quds Force, IRGC-QF) loo mariyo lh lacagahaas oo loo isticmaalo in lagu maalgeliyo howlaha Hizballah. Wuxuu gacan ka geystaa kormeerka shirkadaha waaweyn ee IRGC-QF ay u isticmaasho inay ku qariyaan doorkooda kuwaas oo ka shaqeeya iibka saliida iyo waxyaabaha kale ee dhulka laga soo saaro, taas oo ah ilo dhaqaale oo muhiim u ah kooxda Hizballah, IRGC-QF, xukunkii naxariista darnaa ee Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, iyo kuwa kale oo aan sharciga waafaqsanayn. Qasir sidoo kale wuxuu hogaamiyaa Hizballah ee Qeybta 108, taas oo fududeysa wareejinta hubka, tikniyoolajiyadda, iyo taakuleynta kale ee laga soo wareejiyo Suuriya loona wareejiyo Lubnaan isaga oo la kaashanaya IRGC-QF

 
Muhammad Qasim al-Bazzal

Muhammad Qasim al-Bazzal

Magaca:
Muhammad Qasim al-Bazzal

Sidoo kale Loo Yaqaano:
Mohamad Bazzal; Mu’In

Taariikhda Dhalashada:
Ogoosto 26, 1984

Goobta dhalashada:
Ba’albakk, Lubnaan

Lambarka Aqoonsiga:
18349929 (Lubnaan)

Baasaboorka:
LR0510789

Kooxda Argagixisada
Liznaan Hizballah; Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamka (Islamic Revolutionary Guard Corps, IRGC)

Xilalka/Jagooyinka Shakhsiyeed:
Argagixisada Caalamiga ah ee Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka u Magacowdey Si Khaas ah (SDGT) – Nofeembar 20, 2018; Iyada oo ku xiran cunaqabateyn labaad oo waafaqsan Xeerarka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Hizballah.

Muhammad Qasim al-Bazzal waa sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Hizballah, kaas oo mas’uuliyadihiisa ay ka mid yihiin isku dheelitirka xisaabaadka maaliyadeed ee u dhexeeya Hizballah iyo IRGC-QF. Sidoo kale waa aasaasihii shirkada Talaqi Group ee fadhigeedu yahay Suuriya wuxuuna kormeeraa shirkadaha kale ee maal-galiya argagixisada, sida Hokoul S.A.L. Offshore iyo Nagham Al Hayat. Maadaama uu yahay gudoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee Talaqi Group, al-Bazzal wuxuu kormeeraa dhaqaalaha, habsami u socodka, maamulka, iyo qandaraasyada shirkadda. Tan iyo dabayaaqadii 2018, al-Bazzal wuxuu Talaqi Group iyo shirkadihiisa kalaba u isticmaalay inuu ku maalgeliyo iskuna dubbarido shixnadaha shidaalka kala duwan ee sharci darrada ah ee IRGC-QF la xiriira. Al-Bazzal wuxuu sidoo kale kormeeray iskaashiga dhexmaray shirkadda Talaqi Group iyo shirkadda ALUMIX ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan, iskaashigaas oo ah in shixnado aluminiyam ah loo dhoofiyo Iran. Waaxda Hanti-dhowrka ee Mareykanka ayaa shirkada Talaqi Goup ku dartay Liiska Shakhsiyaadka Xanibaadda Lasaaray iyo Muwaadiniinta sida Gaarka Loo Magacaabey (Specially Designated Nationals and Blocked Persons List), taasoo ka dhigeysa in xubnaha liiska ku jira lagu soo rogo cunaqabateyn dhaqaale. Horraantii 2019, al-Bazzal wuxuu isku dayay inuu ka saaro magaciisa dhamaan dukumentiyada shirkada Talaqi Group maadaama uu milkiile iyo saamileyba ka ahaa, iyadoo loo maleynayo inuu ka baxsanayey cunaqabateynta Mareykanka.

 
Ali Qasir

Ali Qasir

Magaca:
Ali Qasir

Sidoo kale Loo Yaqaano:
Ali Kassir, Ali Ghassir, Ali Ghasir

Taariikhda Dhalashada:
Luulyo 29, 1992

Goobta dhalashada:
Deir Kanoun El Nahr, Lebanon

Jinsiyadda:
Lubnaan

Baasaboorka:
RL 3367620 (Lubnaan); wuxuu dhacayaa Ogosto 28, 2020

Kooxda Argagixisada
Liznaan Hizballah; Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamka (Islamic Revolutionary Guard Corps, IRGC)

Xilalka/Jagooyinka Shakhsiyeed:
Argagixisada Caalamiga ah ee Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka u Magacowdey si Khaas ah (SDGT) – Sebtember 4, 2019; Iyada oo ku xiran cunaqabateyn labaad oo waafaqsan Xeerarka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Hizballah.

Ali Qasir waa wakiilka Hizballah ee Iran, waana fududeeyaha muhiimka ah ee howlaha dhaqaale iyo ganacsi ee ay ka faa’iideystaan IRGC-QF iyo Hizballah. Sidoo kale waa ina adeeka sarkaalka ka tirsan Hizballah Mohammad Qasir, kaas oo uu si dhow ula shaqeeyo si ay fududeeyaan howlaha dhaqaale ee u dhexeeya IRGC-QF iyo Hizballah. Ali Qasir sidoo kale waa agaasimaha maamulka ee shirkadda Talaqi Group oo ah shirkad ku xiran Hizballah, taas oo maalgelisa shixnadaha shidaalka ee Kooxda Xoogga Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamka (IRGC-QF). Ali Qasir wuxuu u xilsaaraa maraakiibta badda inay qaadaan shixnadaha una geeyaan shabakadaha iyadoo la raacayo tilmaamaha IRGC-QF. Masuuliyadiisa xagga arrimaha maaliyadeed ee shabakadahaas waxaa ka mid ah kala xaajoodka qiimaha iibka alaabada iyo bixinta lacagaha la xiriira shixnadaha maraakiibta. Ali Qasir wuxuu kormeeray gorgortanka qiimaha iibka wuxuuna iskaashi la sameeyay si loo daboolo kharashyada loona fududeeyo shixnadda shidaalka Iran ee ay soo dirtay shirkadda ADRIAN DARYA 1 si loogaga faa’iideeyo IRGC-QF. Ali Qasir wuxuu matalaa Hokoul S.A.L. Offshore marka laga gorgortamayo shidaalka ceyriin ah ee Iiraan ee loo gudbiyo Suuriya. Intaa waxaa sii dheer, Ali Qasir wuxuu maleegay oo uu la shaqeeyay dad kale si ay ugu isticmaalaan Talaqi Group si ay u fududeeyaan iibinta macdanta birta ah ee qimaheedu dhan yahay tobanaan milyan oo doollar ah.

 
Muhammad Kawtharani

Muxammed Kawtharani

Magaca:
Muxammed Kawtharani

Naanays:
Muxammed Al-Kawtharani; Maxammad Kawtharani Muxammad Kawtarani; Jafar al-Kawtharani; Sheekh Muxammad Kawtharani

Taariikhda dhalashada:
1945; 1959; 1961

Goobta Dhalashada:
Najaf, Ciraaq

Dhalasho:
Lubnaan; Ciraaq

Kooxda Argaggixisada:
Lubnaaniis Xizballah

Shakhsiga u Magacaaban:
Hantidhowrka SDGT: 22 Agoosto, 2013

Muxammad Khawtharani waa hoggaan sare oo ka tirsan xoogagga Xizballah ee Ciraaq. Kawtharani wuxuu la wareeggay qaar ka mid ah isuduwidda siyaasadeed ee Ciraaq saldhigga u ah, koox ay hore xulafo u ahaayeen Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee (Islamic Revolutionary Guard Corps) (IRGC) oo ay hore u abaabuleen Jeneraal Qasem Soleimani, oo ahaa hoggaamiye militari Iiraan ah oo bishii Janaayo 2020 ay howlgal ay qaadeen militariga Mareykanka ay ku dileen Kawtharani wuxuu fududeeyaa howlgallada kooxaha ka baxsan gacanta dowladda ee Ciraaq kuwaas oo si xoog leh gacanta ugu hayay mudaaharaadyada, weerarrada lagu soo qaadayay safaaradaha shisheeye, kuna hawlanaa falal dambiyeedyada abaabulan oo baahsan. Sida xubin ka tirsan Guddiga Siyaasadda Xizballah, Kawtharani wuxuu dhiirrigeliyay dadaallada Hizballah ee ay ku fidinnayso tabbabarrada, maalgelinta, iyo taageerada xagga saadka ah ay siinayaan kooxaha xagjirka ah ee Shiicada Ciraaq. Sidoo kale Kawtharani wuxuu gacan siiyay xagjiriinta u sii gudbaya Suuriya si ay u taageeraan maamulka Assad.

 
Adham Husayn Tabaja

Adham Husayn Tabaja

Magaca:
Adham Husayn Tabaja

Naanays:
Adham Hussein Tabaja; Adham Tabaja

TDH:
24ka Oktoobar, 1967

Goobta Dhalashada:
Kfartebnit 50, Lubnaan

ALT. Goobta Dhalashada:
Kfar Tibnit, Lubnaan; Ghobeiry, Lebanon; Al Ghubayrah, Lubnaan

Muwaadin:
Lubnaaniis

Baasaboor:
RL1294089 (Lubnaan)

Lambarka Aqoonsiga Madaniga:
00986426 (Ciraq)

Kooxda Argaggixisada:
Lubnaaniis Hizballah

Shakhsiga u Magacaaban:
Hantidhowrka SDGT: 10ka Juun,2015

Adham Tabaja waa xubin ka tirsan Hizballah oo xiriir toos ah la leh kuwa ugu waaweyn Hizballah oo ay ka mid yihiin kooxda argagixisada, ee kooxda Islamic Jihad. Sidoo kale Tabaja waxay gacanta ku haysaa hantida Lubnan iyagoo matalaya magaca kooxda. Waa mulkiilaha ugu badan ee horumarinta hantida guryaha ee Lubnaan iyo shirkadda dhismaha ee Al-Inmaa Group for Tourism Works. Tabaja, Kooxda Al-Inmaa Group for Tourism Works, iyo shirkaddaha hoos yimaada waxaa SDGTs lagu daray bishii Juun 2015. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale Tabaja iyo shirkadihiisa u magacowday sida hay’adaha argagixisada sida uu dhigayo ama hoos yimaada Sharciga Dambiyada Argagixisada iyo Maalgelinta iyo Sharciga Boqortooyada A / 44. Oo mid ka mid ah hantidooda ku yaalla Sacuudi Carabiya ayaa laga xayiray, waxaana lagu wareejinayaa qaybta maaliyadeed ee Boqortooyada, iyo wixii sharciyadeed ee ganacsi iyo wixii shatiyo ah ee iyaga la xiriira ayaa la mamnuucay.

  
Mohammad Ibrahim Bazzi

Mohammad Ibrahim Bazzi

Magaca:
Mohammad Ibrahim Bazzi

Naanays
Mohamed Bazzi; Muhammad Ibrahim Bazzi; Muhammed Bazzi

TDH:
10 bisha Agoosto, 1964

Goobta Dhalashada:
Bent Jbeil, Lubnaan

Muwaadin:
Lubnaaniis; Biljim

Baasaboor:
EJ341406 (Biljim) wuxuu dhacayaa 31 Maajo 2017; 750249737; 899002098 (Boqortooyada Ingiriiska); 487/2007 (Lubnaan); RL3400400 (Lubnaan); 0236370 (Siraaliyoon); D0000687 (Gaambiya)

Kooxda Argaggixisada:
Lubnaaniis Hizballah

Shakhsiga u Magacaaban:
Hantidhowrka SDGT- 17ka Maajo, 2018

Cinwaanka:
Adnan Al-Hakim Street, Yahala Bldg., Jnah, Lebanon; Eglantierlaan 13-15, 2020, Antwerpen, Belgium; Villa Bazzi, Dohat Al-Hoss, Lebanon

Mohammad Ibrahim Bazzi waa maalgeliye Hizballah oo kuwooda ugu muhiimka ah, kaasoo malaayiin doolar siiyay Hizballah dhaqaalahaasoo ka soo jeeda howlahiisa ganacsigi. Waxa uu leeyahay ama maamulaa Global Trading Group NV, Euro African Group LTD, Africa Middle East Investment Holding SAL, Premier Investment Group SAL Offshore, ee Car Escort Services S.A.L. Off Shore. Bazzi iyo shirkadihiisa la xariira ayaa bishii Maajo 2018 lagu daray SDGTs.

  
Ali Youssef Charara

Ali Youssef Charara

Magaca:
Ali Youssef Charara

Naanays:
Ali Youssef Sharara; ‘Ali Yusuf Sharara

TDH:
25la Sitembar, 1968

Goobta Dhalashada:
Sidon, Lubnaan

Muwaadin:
Lubnaaniis

Cinwaanka:
Ghobeiry Center, Mcharrafieh, Beirut, Lebanon; Verdun 732 Center, 17th Floor, Verdun, Rachid Karameh Street, Beirut, Lebanon; Al-Ahlam, 4th Floor, Embassies Street, Bir Hassan, Beirut, Lebanon;

Kooxda Argaggixisada:
Lubnaaniis Hizballah

Shakhsiga u Magacaaban:
Hantidhowrka SDGT: 7 Janaayo, 2016

Cali Youssef Charara waa maalgeliyaha Hizballah ee kuwooda ugu muhiimka ah iyo sidoo kale Guddoomiyaha iyo Maareeyaha Guud ee shirkad isgaarsiin oo Lubnaan fadhigeedu yahay oo lagu magacaabo Spectrum Investment Group Holding SAL. Charara waxay ka heshay malaayiin doolar oo ka timid Hizballah si ay ugu maal gashadaan mashruucyo ganacsi oo maaliyad ahaan u taageeraya kooxda argagixisada. Charara iyo Spectrum Investment Group gashiga ayaa bishii Janaayo 2016 lagu daray SDGTs..

Sawirro dheeraad ah ee

Lebanese Hizballah Financial Network Poster - English
Lebanese Hizballah Financial Network Poster - Arabic
Lebanese Hizballah Financial Network Poster - Farsi
Lebanese Hizballah Financial Network Poster - French
Lebanese Hizballah Financial Network Poster - Portuguese
Lebanese Hizballah Financial Network Poster - Spanish
Muhammad_Qasir
al-Bazzal
Ali_Qasir