Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Qaraxii Bamka ee Dhismooyinkii

Khobar-Dhahran, Saudi Arabia | Junnyo 25, 1996

25-kii Juun, 1996, xubno ka tirsanaa ururka Hizballah ee Sacuudiga ayaa weerar argagixiso ku qaaday guryaha la dego ee Daaraha Khobar ee ku dhow Dhahran, Saudi Arabia. Xilligaasi, waxaa xeradaasi degganaa shaqaalaha ciidanka Mareykanka. Muddo yar kaddib markii ay gaadiid weyn oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo balaastikada ah u kaxeeyeen meesha baabuurta la dhigto, waxay argagixisadu qarxisay alaabtii, waxaana halkaasi ku burburay dhismooyinkii oo idil aan ka ahayn dhismihii u dhowaa. Waxaa weerarka ku dhintay 19 qof oo ah shaqaalaha Mareykanka iyo qof Sacuudi ah, waxayna dhaawaceen 372 oo kale oo kala jinsiyado duwan.

21-kii Juun, 2001, xeerbeegga qaranka ee Alexandria, Virginia, ayaa 14-kii argagixiso ku Eeedeeyay weerarkii ay geysteen. Waxaa eedeymaha lagu xukumay Ahmad al-Mughassil, Ali el-Hoorie, Ibrahim al-Yacoub, Abdelkarim al-Nasser, iyo dhowr kale oo iyaguna lagu xukumay falal dembiyo oo kala duwan. Sida uu eedeeyay, sagaal ka mid ahaa 14-kii argagixiso waxaa lagu xukumay 46 nooc oo dembiyo kala duwan, waxaana ka mid ahaa: shirqool lagu laynayo Mareykanka iyo shaqaalaha Dawladda Mareykanka, isticmaalka hubka burburka culus geysta, iyo in la burburiyo hantida Mareykanka; bam la adeegsaday iyo dad la dilay.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda waxaa lagu bixinayaan abaalmarin gaarayso illaa $5 milyan haddii la helo warbixin suuragelinaysa in caddaalad lagu qaado kuwii ka mas’uulka ka ahaa weerarkan.