Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Qaraxyadii Bamka ee Safaaradda Mareykanka

Kenya iyo Tanzania | Agoosto 7, 1998

Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Agoosto, 1998, xubnaha kooxda argaggixisada al-Qaacida si isla mar ah ayaa waxay u wada qarxiyeen safaaraddaha Maraykanka ee ku yiiley magaalooyinka Nayroobi, Kiinya, iyo Daara Salaam, Tansaaniya. Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada waxay bixinayaan abaal-marin gaaraysa ilaa $5 malyan oo doolar oo ay siinayso qofkii keena xog sheegaysa in caddaaladda la horkeeno shaqsi kasta oo mas’uul kasta weerarradan dhacay.

Qaraxii Nayroobi, argaggaxiye gaari wayn oo walxaha qarxa ka buuxa oo qaatay ayaa ku qarxiyay bambo aad u wayn garaashka gawaarida la dhigto meel u dhow ee safaaradda Maraykanka, halkaas oo ay ku dhinteen 213 qof, oo ay ku jireen 44 shaqaale oo safaaradda u shaqaynayay (12 Ameerikaan iyo 32 ajnabi), oo waxaa kaloo ku dhaawacmay in ka badan 5,000 kale, oo ay ku jireen Safiirka Maraykanka Prudence Bushnell.

Qaraxii Dara Salaam, argaggaxiye gaari wayn oo walxaha qarxa ka buuxa oo qaatay ayaa isku dayay inuu ku ordo ganjeelada safaaradda, wuxuu bilaabay inuu rasaas ku furo halka ku dhegan, ka dibna qaraxyadoodii ku qarxiyeen. Qaraxa wuxuu dhaliyay in ay ku dhintaan dad gaaraya ilaa 11 oo ayna ku dhaawacmaan 85 qof.

Bamkaas wuxuu waxyeello daran uu u geystay labada dhisme safaaraddaha oo uuna baabiyay xafiisyada iyo ganacsiyada ka ag dhowaa.

 

Shaqsiyaadkan soo socda ayaa maxkmad federaal ah oo Mareekan loo soo taagay oo laguna helay dambi la xiriira weerarrada:  
  • Mamduux Maxmuud Saalim, xubin aassaasaha kooxda al-Qaacida, waxaa la soo xiray bisha Siteembar 1998 Germany oo la soo gudbiyay. Wuxuuna ku jiraa xabsi federaal ah waxaa lagu xukumay xabsi daa’in dambigiisa wuxuu la xiriiraa bamamka.
  • Bishii Oktoobar 2001, howlwadeennada al-Qaacida Wadih El-Hage, Khalfan Khamis Maxamed, Maxamed Rashiid Daauud Al-Owhali, iyo Maxamed Sadiiq Odeh waxaa lagu helay dambi ah qorshaynta iyo hergelinta bamamkii safaaradda oo waxaa lagu xukumay xabsi daaim.
  • Bishii Janaayo 2011, hawlwadeenka al-Qaacida Axmed Khalfaan Jaylaani waxaan lagu helay dambi oo xabsi daaim ayaa maxkamad Maraykanka ku xukuntay doorkiisa bamamka.  
  • Bishii Siteembar 2014, Adel Cabdel Baari, qof asxaab sokeeye ay yihiin hoggaamiyaha al-Qaacida Zawahiri, wuxuu qirtay dembi ah inuu qorsheynayay dambi ah inuu dil u geysanayo muwaadinniin Maraykanka ah oo 25 sano ayay maxkamadda federaalka ku xukuntay.
  • Bishii Maajo 2015, Khalid al-Fawwaaz, ku xigeenka Usaama bin Laadin, waxaa lagu xukumay xabsi daain oo ay ku xukuntay maxkamad federaal dembi la xiriira weerarradaas.
Eedeysaniyaashan muhiimka ah ee soo socda guurti dadwayne oo heer federaal Maraykanka ayaa waxay ku soo eedeeyay baamamka:  

Ayman al-Zawahiri, hoggaamiyaha al-Qaacida ee iminka

Sayf al-Adl, hoggaanka al-Qaacida ee ugu muhiimsan

Cabdullaha Axmed Cabdullaha, hoggaamiyaha al-Qaacida ee ugu muhiimsan

Usama bin Laden, hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida (Geeriyoodey)

Maxamed Atef, hoggaamiyaha ciidamada hore ee al-Qaacida (Geeriyoodey)

Anas al-Libi, hoggaanka al-Qaacida ee ugu muhiimsan (Geeriyoodey)

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada waxay bixinayaan lacag gaaraysa ilaa $10 milyan midkiiba xog kasta oo horseeda halka uu ku sugan yahay, in la soo qabto, ama maxkamad la soo taago Sayf al-Adl iyo Cabdullaha Axmed Cabdullaha, oo waxay bixinayaan lacag gaaraysa ilaa $25 milyan qof kii keena xog ku saabsan Ayman al-Zawahiri.
 

Abaal-marinta loo Bixinayo ee la Xiriirta Mamamkii Safaaraddii Maraykanka

Ayman Zawahiri

Cabdullaha Axmed Cabdullaha

Sayf al-Adl

Sawirro dheeraad ah ee

English East Africa Bombing PDF
Sawir ah Qaraxyadii Bamka ee Safaaradda Mareykanka
Sawir ah Qaraxyadii Bamka ee Safaaradda Mareykanka
Sawir ah Qaraxyadii Bamka ee Safaaradda Mareykanka
Sawir ah Qaraxyadii Bamka ee Safaaradda Mareykanka