La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Jehad Serwan Mostafa

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Jehad Serwan Mostafa, sidoo kale loo yaqaano Ahmed Gurey, Anwar al-Amriki, ama Emir Anwar; waa muwaadin Mareykan ah oo California horey u deganaa. Al-Shabaab howlo kala duwan ayuu u qabtey, oo ay ku jirto isagoo xerada tababarka macalin ka ahaa iyo dagaalyahaniinta shisheeyana hoggaamiye u ahaa. Sidoo kale kooxda ayuu u qabanaya howlaha warbaahinta. Mostafa waa muwaadin Mareykan ah oo ku noolaa magaaladda San Diego, ee gobolka California waa ka hor inta uusan u guurin Soomaaliya sanadka 2005. Waxay u egtahay inuu horey u booqdey ama uu booqan doono wadamada soo socda sida: Somalia, Yemen, Ethiopia, Kenya, iyo wadamo kale oo Afrikaan ah.

Mostafa wuu ku jiraa Liistiga Argaggixiso FBI ee Aadka loo Raadinayo, oo FBI ayaa u raadinaysa howlo argaggixiso ee lagu soo eedeeyey. 9 Oktoobar, 2009, dowladda dhaxe ayaa waaran ah in la soo qabto Mostafa uga soo saartey Maxkamada Degmo ee Mareykanka, Deegaanda Koonfureed ee California. Mostafa waxaa lagu soo oogey dembiyada soo socda: shirqool ah inuu urur argagaxiso ah siiyo taageero maadi ah; shirqool ah inuu urur argaggaxiso shisheeye uu siiyo taageero maadi ah; iyo Urur Argaggaxiso Shisheeye uu siiyo taageero maaddi ah.

Al-Shabaab waxay ahaayeen garabka hubeysan ee Golihii Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya ee bartamihii 2006 la wareegay xukunka koofurta Soomaaliya. Al-Shabaab waxay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka sii wadeen kacdoonkoodii gacan ka hadalka lahaa. Kooxdu waxay sheegatay in ay mas’uul ka ahayd qaraxyo badanoo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo weerarro is qarxis ahoo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayey saraakiisha Dowladda Soomaaliyeed iyo ciddii ay u arkaan in ay la shaqeyneyso Dowladda ku Meelgaarka Federaalka ah ee Soomaaliya (TFG). Waxay u egtahay in Al-Shabaab ay mas’uul ka ahaayeen baabuur walxaha qarxa lagula qarxiyey oo shan ah oo dhacay Oktoobar 2008 kuwaasoo si isku mid ah u bartilmaameedsaday labo magaalo oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, oo lagu dilay dad tiradoodu gaareyso 26 isla markaana dhaawacay 29 kale. Al-Shabaab waxay mas’uul ka ahaayeen labo isqarxin oo ka dhacay Kampala, Uganda, bishii Luuliyo 11, 2010, kaaso lagu dilay dad ka badan70 qof, oo uu ka mid ahaa hal qof oo Maraykan ah. Kooxdu waxay mas’uul ka yihiin qaarajinta dadka u dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed, shaqaalaha samafalka caalamiga ah, qaar badan oo ka mid ah dadka ugu muuqda ururrada bulshada, iyo suxufiyiinta. Markay ahayd Febaraayo 2012, al-Shabaab iyo al-Qaacida waxay ku dhawaaqeen in ay si toos ah isugu biireen.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee U.S. waxay al-Shabaab ku magacowday Urur Argagixiso oo Caalami ah iyadoo u cuskaneysa Faqradda 219 ee Sharciga Muwaadinnimada iyo Socdaalka (sidii wax looga beddelay) Febaraayo 26, 2008, isla markaana waxay si Gaar ah ugu aqoonsatay argagixiso caalami ah iyadoo u cuskaneysa Xeerka Fulinta 13224 ee Febaraayo 29, 2008.