La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Jamaal Siciid Cabdul Raxiim

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Jamaal Siciid Cabdul Raxiim waxaa loo doonayaa iyada oo lagu xiriirinayo afduubkii bishii Siteembar 5teedii loo geystay duulimaadkii 73aad ee Pam Am ee dhulka Karaaji, Baakistaan. Qofka kor lagu soo xusay waxaa lagu soo eeddeeyay dambiyada soo socda:

Inuu maleegay shirqool oo lagaga soo horjeedo dawladda Mareykanka; maleegidda shirqool lagu dilayo dad u dhashay dalka Mareykanka meel ka baxsan dhulka Mareykanka; isku day dad Mareykanka u dhashay meelo ka baxsan dhulka Mareykanka; gaarsiin dhaawac khatar ah dad u dhashay Mareykanka meelo ka baxsan dhulka Mareykanka; afduubid; adeegsi hub mar la fulinayey falal burcadnimo; saaritaanka diyaarad qalab wax burburiya ; fulinta weerar gacan ka hadal ah oo loo gaystay qof diyaarad saarnaa; burcadnimo diyaaradeed; gaarsiinta dhaawac khatar ah diyaarad; iyo gargaar iyo gacan u fidin fal dambiyeed.

Waduud Muxamad Xaafis Al-Turki, Jamaal Siciid Cabdulraxiim, Muxamad Cabdullaahi Khaliil Xuseen Alraxyaal, iyo Muxamad Axmed Al-Munawar ayaa Maxkamadda Degmada Koloombiya ku eedeysay gacantii ay ka geysteen afduubkii duulimaadkii 73aad ee diyaaraddii Pan Am ee Siteembar 5, 1986 ee dhulka Karaaji, Baakistaan. Ka dib markii ay haysteen rakaabkii diyaaradda oo tiradoodu gaareysay 379 iyo shaqaalaha diyaaradda oo ay ku jireen ugu yaraan 78 qof oo u Dhashay dalka Mareykanka qiyaastii muddo 16 saacadood ah waxa ay afduubayaashu bilaabeen in ay dadka ku furan rasaas iyaga oo aan u kala soocin, taasoo keentay dhimashada 20 qof isla markaana dhaawac halis ah u gaystay 100 qof oo kale. Waxa la aamisan yahay in dadkaasi ay xubno ka ahaayeen kooxda Abu Nidaal ee argagixisada ah, kana tirsan shabakadda isku xiran ee kooxaha argagixisada ah.

Sawirro dheeraad ah ee

Sawir ah Jamaal Siciid Cabdul Raxiim