Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaaraysa illaa $15 milyan oo ay siinayso qokii keena wix macluumaad ah ee horseeda carqaladeynta hanaanka maaliyadeed ee Kooxda Iiraan ee Khilaafada Islaamka ee IRGC iyo laamaheeda, oo ay ku jiraan Xooga IRGC-Quds Force (IRGC- QF). IRGC waxay maalgalisay weeraro badan oo argagixiso ay gaysatay iyo dhaqdhaqaaqyo argagaxiso oo dunida ka dhacay. IRGC-QF waxay hogaamisaa howlgalada argagixisada ee Iiran ee meelaha ka baxsan Iran iyada oo u marineysa wakiiladeeda, sida Hisbullaah iyo Xamaas.

Wasaaradda waxay bixinaysaa abaal-marinno ku saabsan qofkii keena macluumaadka ah ilaha dakhli ee IRGC, IRGC-QF, ee laamaheeda ama qaababka u fududeynta maaliyadeed oo ay ku jiraan:

  • Nidaamyada maaliyadeed ee sharci darrada ee IRGC, oo ay ku jiraan lacagta-saliida;
  • Shirkadaha hore ee xiriirka ka dhaxeeya IRGC, ee gacan ka geysta dhaqdhaqaaqyada caalamiga iyaga oo matalaya;
  • Shirkaddaha ama shakhsiyaadka IRGC gacan ka siiya inay qariyaa cunaqabateynta Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah;
  • Hay’addaha rasmiga ee dhaqaale ee ganacsi la sameeya IRGC;
  • Sida IRGC ay lacagyada iyo agabyaasheeda ay uga wareejiso argagaxisadeeda iyo wakiiladaheeda maleeshiyaadka iyo kuwa la shaqeeya.
  • Deeq-bixeyayaasha ama dhaqaale u fududeeyayaasha IRGC.
  • Hay’adaha maaliyadeed ama u fududeeyaasha bixinta lacagaha ee IRGC;
  • Ganacsiyada ama maalgelinta ay leedahay ama ay gacanta ku hayso IRGC ama maalgeliyayaashooda;
  • Shirkadaha hore ee ku hawlan soo iibsiga caalamiga ah ee laba isticmaalka teknoolajiyada iyagoo matalaya IRGC; iyo
  • Mashaariicda dambiyada ee ku lug leh xubnaha kooxda IRGC iyo taageerayaasha, kuwaas oo dhaqaale ahaan ururka ka faa’iideysanaya.

IRGC waxaa la aasaasay sanadkii 1979 kacaankii Iiraan ka dib. Waa laan ama farac ka mid ah millatariga Iiraan, oo inta badanna loo adeegsado xooggooda Quddus, IRGC waxay leedahay doorka ugu weyn ee ka dhex jira jilayaasha Iiran ee jiheynta iyo fulinta maamulka ololaha argagixisada caalamiga.

Taariikdu markay ahayd 15 ka bisha Abriil, 2019, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u magacawday IRGC inay yihiin Urur Argagixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda. Sanadkii 2017, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay IRGC u magacaawdayinuu yahay Argagaxiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224 dhaqdhaqa taageeradooda ay u hayaan ururka IRGC-QF.

Tan iyo markii la aasaasay 40 sano ka hor, IRGC waxay ku lug lahayd shirqoollada argaggixisada iyo waxay taageertaa argagixisada adduunka oo dhan. IRGC waxay mas’uul ka tahay weeraro badan oo lagu bartilmaameedsado Ameerikaanka iyo xarumaha Mareykanka, oo ay ku jiraan kuwa dilay muwaadiniinta Mareykanka. IRGC waxay taageertay weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada la ah iyo howlgallada diblomaasiyadeed ee ka socda Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Intaa waxaa sii dheer, kooxdu waxay qafaalatay oo ay afduubatay oo si qalad ahna u xireen dad badan oo Mareykan ah, kuwaa oo badidoodu weli maanta ay ku xiran yihiin Iiran.

IRGC –QF waxay qorsheysay falal argagixiso oo adduunka oo dhan ah in lagu qaado, dalal ay ka mid yihiin Jarmalka, Bosniya, Bulgeeriya, Keenya, Baxrayn, Turkiga, iyo Mareykanka.

Sawirro dheeraad ah ee

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka