Sheekooyinka Guusha

Hamsiraji Marusi Sali

Xijaabtay

Qusay Hussein wuxuu ahaa Saddam labadiisa wiil kan u yar ee guurkiisa koowaad, waxaana aad loo aaminsanaa in haddii uu Saddam geeriyoodo uu xukunka qaban lahaa. Qusay wuxuu xukumi jiray Adeegga Sirdoonka, Adeegyada Amniga, Ilaalaha Jamhuuriga, iyo Ilaalada Jamhuuriga Gaarka ah, kuwaas oo loo haystey in ay ahaayeen ciidanka militariga Ciraaq ee ugu kartida badan.

23-kii Luulyo, 2003, macluumaad laga helay qof xog ogaal ahaa ayaa lagu ogaaday halkii ay ku sugnaayeen Uday iyo Qusay Hussein. Iyadoo caawimaad laga helay ciidanka 101st Airborne Division, waxay ciidanka Task Force 20 sameeyeen hawlgal ay shakhsiyaadkan ku soo qabteen. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal rasaas la isku weydaarsaday oo socday afar saacadood, waxaana dhacday in ay ku dhintaan Uday iyo Qusay Hussein.

Barnaamijka Abaalmarinta wuxuu abaalmarin ku bixiyey macluumaada keentay helitaanka halkii ay ku sugnaayeen Uday iyo Qusay Hussein.