La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Hafiz Abdul Rahman Makki

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $2 Milyan

Hafiz Abdul Rahman Makki waa ninka haya talada labaad ee Lashkar-e-Tayyiba, urur Islaamiyiin Ah-e-Hadith oo asal-raac ah oo u go’ay in qeybo ka mid ah India iyo Baakistan ka dhisaan xukun Islaam ah. Lashkar-e-Tayyiba waxaa la aaminsan yahay in ay abaabushey oo ay fuliyeen weerarkii argagaxisada ee Mumbai ka dhacay bishii Nofember 2008, kaasoo 166 qoffood ay ku geeriyoodeen, oo ay ku jireen lix muwaadin Mareykan ah, iyo sidoo kale dhacdooyin argagaxiso dhowr ah oo kale oo ka dhacay India dhexdeeda.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay Makki ku magacawday sida ku Magacaabis Gaar ah ee Qaran oo hoos imaanaya ee Amarka Go’aan meel-marinta ee 13224.

Lashkar-e-Tayyiba waxaa Urur Argaggaxiso Shisheeye loo magacaabay bisha Disember 2001. Bisha Abriil 2008 dhexdeeda, Mareykanka waxay Jamaat-ud-Dawa u magacawdey sida Urur Argaggaxiso Shisheeye; sidaa si la mid ah, Qaramada Middoobey waxay bishii Disember 2008 Jamaat-ud-Dawa u magacowdey urur argaggixiso ah.