La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Faaruq al-Suri

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Faaruq al-Suri waa hogaamiyaha ururka argagixisada ee Hurras al-Din (HAD). Al-Suri waa xubin ka tirsan askarta howl-gabka ee al-Qa’ida (AQ), isagoo muddo tobaneeyo sano ah ka tirsannaa ururka argagixisada. Wuxuu ahaa tababbare sare oo ka tirsanaa ciidamada ka hortagga AQ hoggaanka sare ee Sayf al-Adl Afghanistan ee sanaddadii 1990-yadii, oo wuxuuna tababbaray dagaalyahannada AQ ee Ciraaq laga soo bilaabo 2003 ilaa 2005. Hadda ka hor Al-Suri waxaa lagu haystay dalka Lubnaan intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013, oo ka dibna wuxuu noqday abbaanduulaha ciidanka ee Jabhadda Al-Nusrah. Wuxuu Jabhadda al-Nusrah ka baxay 2016.

10 ka bishii Seteember 2019, Waaxda Arrimaha Dibadda waxay al-Suri u magacawday inay yihiin urur Argaggixiso Gaar ah oo Caalami ah sida hoos timaada Amarka Go’aal meel-marinta ee 13224.

Hurras al-Din waa koox xiriir la leh ururka al-Qaacida oo ka soo ifbaxday wadanka Suuriya horaantii sanadkii 2018 kadib markii dhowr urur ay ka soo goosteen ama ay kala jajabeen ururka Hay’at Tahrir al-Sham (HTS). Hogaanka HAD, oo uu ku jiro al-Suri wali wuxuu daacad u yahay ururka AQ iyo hogamiyahooda, Ayman al-Zawahiri.

Sawirro dheeraad ah ee

Faaruq al-Suri
Arabic