La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Faker Ben Abdelaziz Boussora

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Faker Boussora, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Yusif al-Tunisi, waa muwaadin dalka Tunisia u dhashay oo xiriir fog la leh kooxaha islaamka xag jirka ah. Wuxuu qaatay tababarka hawlaha al-Qaida wuxuuna caddeeystay in uu ku talojiro in uu shahiido. Boussora wuxuu xiriir la lahaa argagixisaha Tunisia Abderraouf Jdey, waxaana suuragal ah in hore ay labadu u wada dhoofi jireen.

Boussora wuxuu ka tagay Tunisa sanadkii 1988-kii si uu u dego dalka Faransiiska. Wuxuu dalka Faransiiska ka tagay sanadkii 1991-kii wuxuuna u haajiray Montreal, Canada, isagoo safarro joogta ah ugu dhexeeyay Tunisia iyo Canada sanooyinkii 1990-yadii. Boussora wuxuu qaatay jinsiyadda Canada sanadkii 1999-kii isagoo intii uu joogay Canada tagi jiray Masaajidka Assunna ee ku yaal Montreal.

Boussora wuxuu ka tagay dalka Canada sanadkii 1999-kii waxaana suuragal ah in uu dhowr safarro ku tagay dalka Afghanistan intii u dhexeysa 1999-2000. Wuxuu tababar ka helay al-Qa’ida intii uu joogay dalka Afghanistan, isagoo ku soo laaban jiray dalka Canada.

Waxay maamulka ka cabsi qabaan in uu Boussora dib ugu soo laabto dalka Canada ama Mareykanka si uu u qorsheeyo ama qayb qaato weerar argagixiso ah. Waxaa suuragal ah in uu qabo xanuun daran oo uu caafimaadkiisuna aad u liito, kaasoo keenay in uu miisaankiisu hoos u dhaco iyo in uu muuqaalkiisu isbeddelo.