La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Faragalinta Shisheeye ee Doorashada

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa waxey soo bandhigeesaa abaalmarin gaaraysa illaa $10 Milyan qofkii war ka keeno ogaanshaha ama meesha uu ku suganyahay shaqsi walba oo matalaaya ama ka amar qaadanaaya dowlad shisheeye kaaso faragalinaya doorasho heer fadaraal, gobol ama dowladda hoose asagoo ku xad gudbaaya sharciga qeebtiisa 1030 ee ciwaankiisu yahay 18. Dhagarqabayaal khaas ah ee xagga aaladda intarneetka oo beegsanaayo doorashooyinka amba isudabaridka olo’laha, waxey sidoo kale jabinaayaan Sharciga Been-abuurka iyo Xadgudubka Kombiyuutarkaee, 18 U.S.C. § 1030, taasoo dambi ka dhigaysa galista aan la oggolayn ee kombuyuutarka iyo qaababka kale ee been-abuurka ee la xiriira kombuyuutarka. Dambiyada kale, sharcigu wuxuu diidayaa inaad iyadoon laguu oggolaan iska gasho kombuyuutarada si aad uga heshid macluumaad ogolaansho la’aan adigoo u sii gudbineesid dad aan loogu talogalin

Awoodda shaqsiyaadka iyo dowladaha shisheeye, inay soo farogaliyaan amba wiiqaan aaminaada ay ku qabaan bulshada doorashooyinka Mareykanka, taasoo ay ku jirto galaangalka ogolaansho la’aanta ee doorashada iyo qaab-dhismeedka olo’laheeda, waxay keeneysaa khatar aad u weyn oo fooqal caadi ah oo la xadhiidho amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo habdhaqanka shisheeye ee Dalka Mareykanka (Lambarka Amar Fulinta 13848, Sabteembar 12,2018). Tusaale, cadow shisheeye wuxu adeegsan kara waxyeelo ah aaladda intarneetka ayagoo beegsanaya qaab dhismeedka doorashooyinka taasoo ay kamid tahay xogta diiwaan gelinta cod bixiyaha iyo mashiinada codeynta, si ay waxyeelo ugu geystaan doorashooyinka Mareykanka. Cadowga noocan sidoo kale waxey sameyn karaan waxyeelo dhanka intarneetka ah oo ay ku waxyeelayaan hay’adaha siyaasadda ee Mareykanka amba olo’laha si ay u xadaan macluumaadka qarsoodiga ah oona baahiyaan macluumaadkaan si ugu isticmaalaan inay u wiiqaan hay’adaha doorashooyinka ama murashaxiinta.

Sawirro dheeraad ah ee

Faragalinta Shisheeye ee Doorashada