Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Afduubkii iyo Dilkii Daniel Pearl 

Karachi, Pakistan | Janaayo 23, 2002

23-kii Janaayo, 2002, Daniel Pearl ayaa lagu afduubay magaalada Karachi, Pakistan. Pearl, oo ahaa weriyaha Wall Street Journal, wuxuu daba socday qisada bamka kabaha ee Richard Reid, oo isku dayey in uu bamka ku dul qarxiyo dayuurad dul marayso badweynta atlaantikada muddo bil ka hor.

21-kii Febaraayo, 2002, waxaa la helay cajal fidiyow ah oo internetka la soo geliyay oo muujinaysay dilkii Daniel Pearl. Waxaa meydkii Pearl la helay bishii Maajo gudaheeda waxaana loo soo celiyay dalka Mareykanka.

Hal bil kaddib, Ahmed Omar Saeed Sheikh iyo seddex qofood oo lagu tuhmayey ayaa lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen afduubka iyo dilka Pearl. 15-kii Luulyo, 2002-da, waxaa lagu xukumay magaalada Pakistan, iyadoo Sheikh lagu xukumay dil.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda waxaa lagu bixinayaan abaalmarin gaarayso illaa $5 milyan haddii la helo warbixin suuragelinaysa in caddaalad lagu qaado kuwii ka mas’uulka ka ahaa weerarkan.