Falal Argagix
Macluumaadka ku saabsan ...

Weearadii Dalxiiseyaasha 

Bwindi Park, Uganda | Maarso 1, 1999

1-dii Maarso, 1999-kii, koox ka tirsan ciidanka xasuuqa (Interahamwe) waxay ku weerareen Beerta Qaranka ee Bwindi ee aan loo Gali Karin ee ku taal Uganda (Bwindi Impenetrable National Park in Uganda). Isbahaysiga Xasuuqa (Interahamwe) waa qayb ka tirsan ciidanka kalkaalinta oo ka kooban dhallinyaro ka tisan qabiilka Hutu-ga oo falalkii Xasuuqii Rwanda ee 1994-kii kula kacay qabiilka Tutsi-ga.

Weerarkii Beerta Bwindi, waxaa lagu weeraray dhowr dalxiiseyaal, iyadoo la afduubay, laguna qasbay in ay lugeys ku tagaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Nin u dhasha Uganda, oo magaciisu ahaa Paul Ross Wagaba, ayaa la gubay isagoo nool Sideed qof oo ka tirsan dadkii ay waxyeelladu gaartay, waxaa ka mid ahaa Susan Miler iyo Rober Haubner oo Mareykan ah, waa la garaacay illaa ay ka dhinteen.

Alaab farabadan ayaa weerarkii looga xaday dalxiiseyaashii, waxaana ka mid ahaa baasaboor Mareykan ah, Laysanka darawalka Mareykanka, saacadda nooca Citizen ee Haweenka Dabaasha (Ladies Citizen Dive), iyo kombiyuutarka dhabta la saarto ee Toshiba Portogo.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda waxaa lagu bixinayaan abaalmarin gaarayso illaa $5 milyan haddii la helo warbixin suuragelinaysa in caddaalad lagu qaado kuwii ka mas’uulka ka ahaa weerarkan.