La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Bashir Maxamed Maxamuud

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Bashir Maxamed Maxamuud waa taliyaha militariga Xarakada Mujaahidiinta Shabaab (al-Shabaab). Laga soo billaabo dabayaaqadii 2008, wuxuu ahaa mid ka mid ah xubnaha 10ka ah ee golaha hoggaaminta al-Shabaab. Maxamuud iyo kalkaaliyihiisu waxay mas’uul ka ahaayeen weerarkii hoobiyeyaasha ee Juun 10, 2009 lagu qaaday Dowladda Federaalka ku Meelgaarka ah (TFG) ee ku sugan Muqdisho. Waxaa sii dheer, laga soo billaabo 2007, wuxuu isku xiray hawlaha al-Qaacidda ee Soomaaliya. Markay ahayd Abriil 2010, Waaxda Hanti dhowrka U.S. Maxamuud ayey eedeysay iyadoo u cuskaneysa Xeerka Fulinta ee 13536 iyadoo ku eedeyneysa in uu gacan ka geystay dagaallada iyo ka sii daridda amniga Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay ahaayeen garabka hubeysan ee Golihii Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya ee bartamihii 2006 la wareegay xukunka koofurta Soomaaliya. Al-Shabaab waxay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka sii wadeen kacdoonkoodii gacan ka hadalka lahaa. Kooxdu waxay sheegatay in ay mas’uul ka ahayd qaraxyo badanoo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo weerarro is qarxis ahoo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayey saraakiisha Dowladda Soomaaliyeed iyo ciddii ay u arkaan in ay la shaqeyneyso Dowladda ku Meelgaarka Federaalka ah ee Soomaaliya (TFG). Waxay u egtahay in Al-Shabaab ay mas’uul ka ahaayeen baabuur walxaha qarxa lagula qarxiyey oo shan ah oo dhacay Oktoobar 2008 kuwaasoo si isku mid ah u bartilmaameedsaday labo magaalo oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, oo lagu dilay dad tiradoodu gaareyso 26 isla markaana dhaawacay 29 kale. Al-Shabaab waxay mas’uul ka ahaayeen labo isqarxin oo ka dhacay Kampala, Uganda, bishii Luuliyo 11, 2010, kaaso lagu dilay dad ka badan70 qof, oo uu ka mid ahaa hal qof oo Maraykan ah. Kooxdu waxay mas’uul ka yihiin qaarajinta dadka u dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed, shaqaalaha samafalka caalamiga ah, qaar badan oo ka mid ah dadka ugu muuqda ururrada bulshada, iyo suxufiyiinta. Markay ahayd Febaraayo 2012, al-Shabaab iyo al-Qaacida waxay ku dhawaaqeen in ay si toos ah isugu biireen.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee U.S. waxay al-Shabaab ku magacowday Urur Argagixiso oo Caalami ah iyadoo u cuskaneysa Faqradda 219 ee Sharciga Muwaadinnimada iyo Socdaalka (sidii wax looga beddelay) Febaraayo 26, 2008, isla markaana waxay si Gaar ah ugu aqoonsatay argagixiso caalami ah iyadoo u cuskaneysa Xeerka Fulinta 13224 ee Febaraayo 29, 2008.