La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Ayman al-Zawahiri

Abaalmarin Gaaraya Illaa $25 Milyan

Ayman al-Zawahiri waa hoggaamiyaha iminka xilka haya ee ururka argaggixisada al-Qaacida iyo sidoo kale waa hoggaamiyihii hore ee ururka Jihaad doonka Islaamka ee Masar. Maraykanka dhexdiisa ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu door ku la’haa qaraxyadii bambada ee dhacay 7dii bisha Agoosto, 1998 oo lagu qaaday safaarada Maraykanka ee ka dhacey dalka Kenya iyo Tanzaniya halkaas oo lagu dilay 224 qof oo ahaa dad shacab ah oo laguna dhaawacay in ka badan 5,000 qof kale.

Isaga iyo Usama bin Laden iyo xubno sar-sare oo ka tirsan ururka al-Qaacida, waxaa la rumaysan yahay in al-Zawahiri uu sidoo kale soo qaban-qaabiyay weerarka USS Cole oo Yeman ka dhacay 12ka bisha Oktoobar, 2000, kaa soo ay ku dhinteen 17 askar Ameerikaan ah oona ay ku dhaawacmeen 39 qof, oo wuxuu gacan ka geystay weerarkii 11ka bisha Seteember, 2001 halkaasoo 19 ka tirsan afduubteen oo ay ku burburiyeen afar diyaarad nooca Komorshaalka oo Maraykanka laga leeyahay-laba waxay ku dhufteen Xarunta Ganacsiga Caalamka ee Magaaaladda New York, midna xarunta Bentagoonka oo u dhow caashimada Washington, D.C., iyo mida afaraadna meel beer ah oo ku taala Shanksville, Pennsylvania-ku dhowaad 3,000 ayaa geeriyootay.

Inkastoo al-Zawahiri iminka uu hoggaamiyo koox yar balse ah wuxuu ka tirsan yahay hogaamiyeyaasha sar-sare ee ugu firfircoon oo wayn loona yaqaano hoggaanka ugu Muhiimsan ee al-Qaacida, isku xirnaanshaha kooxda ee sannadihii la soo dhaafay isagoo meesha ka baxay maadaama hogaamiyeyaasha waxaa dhibaato kaga timid cadaadiska argagaxisanimada lagula dagaalamayo ee ka socda Afghanistan iyo Bakistaan iyo ururada kale ee gadaal ka soo baxay sida Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (ISIL) ku waas oo ay ku biireen qaarka ka baxsaday xubnaha qaar ee mayalka adag. Iyadoo ay sidaa tahay, ururka al-Qaacida iyo kuwa gacan saarka la leh ee ka jira Koonfurta Aasiya, Afrika, iyo Bariga Dhexe ayaa weli ah urur adag oo ka go’an in ay weerraro ay ku qaadaan gudaha Maraykanka iyo meelaha dibbadda ee Maraykanka dannaha ku leeyihiin.

Al-Zawahiri weli wuxuu sii wadaa inuu soo duubo oo uu qaybiyo farriinno, inta ururka al-Qaacida ay sii kordhisay tirada weerrar ee aysan ku guulaysan ee dhowrka ahaa ee ay sannadihii la soo dhaafay qaaday, oo lid ku ah Maraykanka iyo Yurub. Tan waxay hoosta ka xariiqaysaa kartida al-Qaacida ay u leedahay in ay soo diyaariso weerarro in kastoo weli lagu hayo cadaadis dhanka weerarka argagaxisada oo waxay tilmaamaysaa in ay qorshaynayso weerarro dheeraad ah oo lid ku ah Maraykanka ee guddaha ama dibbadda Maraykanka.