La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Amiir Maxamed Saciid Cabdal-Raxman al-Mawla

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Al-Mawla, oo sidoo kale loo yaqaano Xaaji Cabdallah, waa hogaamiye sarkaal sare ah oo katirsan dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Syria (ISIS). Wuxuu ahaa nin aqoonyahan diimeed ka ah ururkii ka horeeyey ISIS ee ahaa, al-Qaacida ee Ciraaq (AQI), oo wuxuu si isdaba joog ah gaaray ama qabtay door hoggaamiye sare oo ISIS ah.

Maaddaama uu yahay mid ka mid ah fikradaha ugu sareeya ee ka dambeeya ee ISIS, Xaaji Cabdallah wuxuu gacan ka gaystay socodsiinta iyo qiilo u yeelka afduubka, gawraca, iyo ka ganacsiga dadka laga tirada badan yahay ee Yazidi ee waqooyiga-galbeed Ciraaq waxaana la rumeysan yahay inuu yahay qofka kor kala socda hawlgallada argaggixiso ee kooxda ay dunida ka fuliso. Waxay uu badan tahay inuu noqdo qofka xilka hoggaamiyaha ISIS kala wareegi doona Abu Bakr al-Baghdadi.

Taariikhdu makay ahayd bishii Juun 2014, ISIS, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Daacish’, ayaa la wareegtay qaybo ka mid ah wadanka Suuriya iyo Ciraaq, oo waxay isku magacawday waxa loogu yeero “khilaafada” Islaamka, oo waxayna Al-Baghdadi ugu magacdareen inuu yahay “khalaafada.” Sanadihii la soo dhaafay, ISIS waxay ay daacadnimo ka heshay kooxaha jihaadiyiinta iyo shakhsiyaad xagjirka ah oo ka kala socda daafaha dunida, iyagoo dhiirrigelinaya weerar ka dhaca dunida.

Abaalmarintani waxay muhiim u tahay dagaalka aan kula jirno kooxda ISIS. Maaddaama kooxda ISIS looga adkaaday ama lagu jebiyay goobta dagaalka, waxaa na go’an in aan sheegno oo aan soo helno hoggaamiyeyaasha kooxda si isbahaysiga caalamka ee waddammada la dagaallamaya ISIS ay uga adkaadaan oo ayna u sii wadaan inay baabi’iyaan haraadiga kooxda ISIS ayna hakiyaan himilooyinkooda adduunka.

Sawirro dheeraad ah ee

Amiir Maxamed Saciid Cabdal-Raxman al-Mawla