La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Ali Atwa

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Argagixislaha kor ku yaal waxaa la aaminsan yahay in uu ka tirsan yahay ururka argagixisada Lubnaan ee Hizballah.

14-kii Juun, 1985, koox argagixiso ah ayaa afduubeen Duullimaadka TWA 847 oo ku sii hakanaysay Athens, Greece kuna sii socotay Rome, Italy.. Kaddib markii ay dhowr meel tagtay, waxay dayuuradda caga dhigatay Beirut, lebanon, halkaasoo ay afduubeyaashii ku dileen Robert Stethem oo quusaha Ciidanka Badda ee Mareykanka waxayna meydkiisii ku tuureen laamiga ayraboorka.

Shakhsiga argagixisada ah ee kor ku yaal waxaa lagu Eedeeyay oorkii uu ka qaatay qorshihii lagu afduubay dayuuraddii rakaabka ee 14-kii Juunyo, 1985-kii. Wuxuu afduubkan keenay in weerar lagu qaado dhowr ka tirsanaa rakaabka iyo shaqaalaha dayuuradda, iyo dil loo geystay muwaadin Mareykan ah.

Shakhsiga magaciisu kor ku yaal waxaa lagu soo dacweeyey eedeymaha soo socda:

Shirqool lagu afduubayo dayuuradaha, dad la afduubo, dayuurad la afduubay oo uu qof ku dhintay, faragalin loo geystay shaqaalaha dayuuradda, qalab qarxa oo dayuurad lagu rakibo, qalabka qarxa oo uu qof la fuulo dayuurad, iyo weerar lagu qaado raakaabka iyo shaqaalaha dayuuradda; afduub burcadnimo oo uu qof ku dhintay; dad la afduubo; faragelin loo geysto shaqaalaha dayuuradda; waxyaabaha qarxa oo dayuurad lagu rakibo, qalab qarxa oo dayuurad la saaro, weerar dayuurad lagu qaado iyadoo laga damacsan yahay in hub khatar ah lagu afduubo oo keena dhaawac culus oo jidhka ah; iyo caawimaad iyo dhiirigelin.