La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi (Abu Waliid) waa hogaamiyaha urur ku magacaaban Urur Argaggixiso Shisheeye (FTO) ISIS ee Saxaraha Baaxada (oo sidoo kale loo yaqaan ISIS-GS). ISIS-GS ayaa soo baxay markii Abu Waliid iyo taageerayaashiisu ku kala qaybsameen kooxda al-Qaacida ee Al-Murabituun.

Abu Waliid wuxuu markii ugu horreysay wuxuu sheegtay inay kooxdiisu daacad u tahay ISIS bishii Maajo 2015, iyo, Bishii Oktoobar 2016, ISIS waxay qirtay ballan-qaadkiisii. Asal ahaan waxaa saldhig u ah wadanka Maali oo ku teedsan xuduuda Mali-Naayjer, ISIS-GS waxay sheegatay mas’uuliyada dhowr weerar oo hoostaga hogaamiyaha Abu Waliid, oo ay kujiraan weerarkii dhacay 4ta Oktoobar, 2017 ee lala beegsaday isbaheysiga Mareykanka iyo Naayjeeriyan ee deegaanka Tongo Tongo, Naayjer oo u dhow Xadka Maaliyan, kaas oo sababay dhimashada afar askari oo Mareykan ah iyo afar askari oo reer Naayjeeriyan ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay u magacawday in Abu Waliid yahay Argagixiso Caalami oo si gaar ah loo soo Agaasimay iyadoo la hiigsanayo Amarka Go’aal meel-marinta 13224 iyo ISIS-GS inay tahay FTO sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee 16ka Maajo, 2018.

Sawirro dheeraad ah ee

Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi
Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi
Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi
Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi
Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi
Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi