La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Abu Bakr al-Baghdadi

Abaalmarin Gaaraya Illaa $25 Milyan

Abu Bakr al-Baqdaadi, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Ducaa, oo sidoo kale loo yaqaano Ibrahim ‘Awwad Ibrahim ‘Ali al-Badri, waa mas’uul sare oo ka tirsan ururka argaggixisada, ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL). Cabsida al-Baghdadi aad ayay u siyaaday maadaama Waaxda Arrimaha Dibadda abaal-marinteeda koowaad ee ay ku dhawaaqday ahayd $10 milyan abaal-marintaas oo horseeda xogta la xiriirta goobta, soo qabashada, ama xukun dembi ee lagu dhawaaqay 2011. Bisha Juun ee 2014, ISIL (oo sidoo kale Daacish ku magac dheer) ayaa waxay la wareegtay xukunka qaybo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxayna ku dhawaaqeen in ay dhidibbada u taageen qaliifada Islaamka, oo al-Baghdadi qaliifada u dhiibeen. Sannaddihii ugu dambeeyay, ururka ISIL waxaa u soo kordhay midnimada kooxaha jihaad-doonka oo waxay maanka ka qabsaden shaqsiyaad kala jooga meelo badan oo dunnida ka tirsan, oo waxay dhiirigeliyeen weeraro Maraykanka ka dhex dhaca.

Hoggaanka al-Baghdadi sida dhoos timaada, ururka ISIL waxay mas’uul ka yihiin geerida kummannaan kun oo shacab ah oo Bariga Dhexe jooga, oo ay ku jiraan dilal waxshinimo ama naxariis daro ah oo lagu qaaday shacab la haysato oo u dhashay wadanka Jabaan, Ingiriiska, iyo Maraykanka. Al-Baghdadi wuxuu dusha u dhigtay dhowr weerar oo ka dhacay dalka Ciraaq tan iyo ilaa sannadkii 2011, isagoo dilay kummannaan kun oo ka tirsan muwaaddiniin reer Ciraaq ay isla yihiin. Sidoo kale kooxda waxay weerraro argaggixiso ku qaadeen meelo ka baxsan xuduudaha halka ay ugu yeereen xuduuddaha halka ay ugu dhawaaqeen dhulka qaliifadda. Inta lagu jiray bisha Nofembar 2015, waxaa jiray laba ISIL ka tirsan oo isoo biimayay oo magaalada Bayruut ku dilay 43 qof oo 239 qofna ku dhaawacmay. Isla bishaas, ISIL waxay qaadeen toddobo weerar oo la isla soo abaabullay oo lagu qaaday magaaladda Paris – halkaasoo lagu dilay ugu yaraan 130 qof oo halkaasoo lagu dhaawacay in ka badan 350 qof. Inta lagu jiray bisha Maarso 2016, ururka argaggixisada ISIL ugu yaraan 34 qof ayay waxay ku dushay magaalada Brussels – oo ay ku jiraan af muwaadin Maraykan ah – oo waxaa lagu dhaawacay in ka badan 270 kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka u magacowdey in Al-Baghdadi yahay Argaggaxsada Caalamka Gaarka ee ku Magacaaban Amarka Dowliga ee 13224. Sidoo kale wuxuu ku qoran yahay liiska Guddiga Amniga ee Qaramada Middoobay ee ISIL (Daacish) iyo Guddiga Ciqaabta al-Qaacida.

Sawirro dheeraad ah ee

Baghdadi Poster 1 - English
Photo of Abu Bakr al-Baghdadi