Dulmarka Barnaamijka

RFJ, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Barnaamijkeeda Abaal-marinta Ka Hortaga Argaggixisada, waxaa la aassaasay sannadkii 1984 ee Xeerka la Dagaalanka Argaggaxisada Caalamiga, Sharciga Dad-weynaha 98-533 (u qorsheeyay 22 U.S.C. § 2708). Waxaa maamula Waaxda Arrimaha Dibadda Xafiiskeeda Amniga Diblomaasiga, hadafka RFJ waa in argaggixisada caalamiga cadaaladda la horkeeno iyo in laga hortago falalka argaggixisada caalamiga oo lid ku ah shaqsiyaadka iyo hantida Maraykanka. Sida hoos timaada, Wasiirka Arrimaha Dibadda ay dhici karto inuu ansaxiyo abaal-marinta loo bixinnayo xogta gaar ahaan u horseeda in la soo qabto ama dembi lagu xukmiyo qof kasta oo qorsheeya, gala, gacan ka geysta, ama isku daya inuu geysto falal argaggixisonimo oo caalami oo lid ku ah shaqsiyaad Maraykan ah ama hanti Maraykan ah, ee hor istaagta ficillada noocan ah inay dhacaan markii horeyba, taas oo horseeda in la oggaado ama halka uu joogo madaxa argaggixisada ah, ama carqaladeeya maalgelinta argaggixisada.

Waxaa xoghaya awood loo siiyey inuu bixin karo/karto abaal marin ka badan kan badan $25 milyan haddii isaga/iyadu u arko/aragto in lacag ka badan loo baahan yahay in la bixiyo taasoo muhim u ah si loola dagaallamo argagixisada ama dalka Mareykanka looga difaaco falalka argagixisada.

Tan iyo markii la billaabay barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda sanadkii 1984kii, Dawladda Mareykanku waxay bixisay in ka badan $150 milyan oo ay siisay 100 qof oo laga helay macluumaad lagu hawlgalay oo suurta geliyey in la xiro argagixisada ama macluumaad looga hortagay hawlgalada argagixisada ee caalamka. Barnaamijka wuxuu qayb weyn ka qaatay xiritaanka argagixisada caalamiga ah ee uu ka mid yahay Ramzi Yuusuf, oo lagu xukumay qaraxii bamka ee 1993kii ee Xarunta Ganacsiga Dunida (World Trade Center).

Iyadoo ujeedada Sharciga maamulaya barnaamijka Abaalmarinta Caddalada loogu talagalay falalka argagixiska ee lidka ku ah Mareykanka, waxay dawladda Mareykanku macluumaadka la wadaagtaa dalal kale oo uu shacabkooda khatar ku jiro. Dawlad kasta iyo shacab kasta waxay qayb ku leeyihiin in argagixisada lagu qaado caddaalad iyo sida looga hortago falalka argagixiska.