Kuuriyada Waqooyi

Si loo taageero dadaaladda caalamiga ah ee carqaladeynayo howlaha sharci darada ah ee Waqooyiga Kuuriya, barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada ee Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka [Rewards for Justice] (RFJ) waxay bixinaysaa abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyan oo ay siinayso cidii keenta xog horseedayso carqaladeynta qaababka maaliyad ee shaqsiyaadka ku lugta leh howlo qaar ee Koonfurta Kuuriya lagu taageero, oo ay ku jiraan lacag isdabamaris, qarin cuna-qabatayn, dambiyada shabakada internetka, iyo kordhinta WMD.

Wasaaradda waxay raadinaysaa macluumaad ku saabsan, waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin:

    • Markab-makab kale lagu wareejinayo dhuxul laga keenay Waqooyiga Kuuriya ama saliid cayriin ah ama waxyaabaha batoolka laga sameeyooo oo loo wado Waqooyiga Kuuriya, ama dhuxul oo wada xamuul kale oo kasta oo loo wado ama laga keenay Waqooyiga Kuuriya;

    • Muwaadiniinta Waqooyiga Kuuriya oo ka shaqeeya meel ka baxsan Waqooyiga Kuuriya oo dakhli xaddi badan oo soo saara Dowladda Waqooyiga Kuuriya ama Xisbiiga Shaqaalaha eee Kuuriya;

    • Ganacsiyada iiyoo shaqsiyaadka ku sugan meel kasta oo dunnida ka mid ah oo lugna ku leh ka ganacsiga waxyaabaha Waqooyiga Kuuriya ka mamnuucan;

    • Iibka hubka iyo shixnadaha Waqooyiga Kuuriya;

    • Alaabooyinka raaxada ee Waqooyiga Kuuriya loo wado.

Barnaamijka RFJ ayaa sidoo kaleee bixinaya abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyan oo la siinayo qofkii keena xog u horseedaysa in la aqoonsado ama halka ay joogaan shaqsiyaadka, ku shaqeeya amarka amarka dowladda Waqooyiga Kuuriya, hela xog kombiyuutar laga xaday, kombiyuutar la waxyeeleeyo, gala fal baad, ama gargaara ama ku qalqaaliya kuwa falal dembiyeed geysta.

Gaar ahaan Wasaaradda waxay awood u leedahay inay bixiso abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyan oo ay siinayso qofkii keena xog u horseeda in la carqaladeeyo qaabka dhaqaalaha oo qof kasta ama shirkad kasta ee ku howlan fulinta Qaybbaha lagu soo sharaxay ee 104(a) iyo 104(b)(1) ee Qaybbaha Waqooyiga Kuuriya iyo Xeerka Wanaajiinta Qaanuunka ee 2016. Tan waxaa ka mid ah xog ku saabsan shaqsi ama shirkad kasta oo si oggaal ah:

    1. U dhoofisa, ka soo dhoofisa, ama dib u sii dhoofisa, ama Waqooyiga Kuuriya ka keenta alaab kasta, adeeg kasta, ama farsamo la ga ilaaliyo in loo dhoofiyo wadanka Maraykanka sababo la xiriira isticmaalka alaabaha, adeegyada, ama farsamada oo loo isticmaalo hub ka burbur wayn geysta ama nidaamka wax ku gudbiya hubkan ama walxo u horseeda isticmaalka, waxsoo saarista, soo saarist, haysashada, ama hantida oo uu geystoo shaqsi kasta eee hubka nukliyeerka, shucaaca, kiimikada, ama hubka noolaha ama qalab ama nidaam loo sameeyay guud ahaan ama qayb ahaan si loo hubiyo hubka noocaas ah;

    2. Bixiya tabbabar, talo, ama adeegyo ama kaalmo kale, ama ka geysta dhaqaale xaddi badan, ee la xiriira waxsoosaarka, gacan ka geysiga, ama isticmaalka hubka noocan ah, qalabka, ama nidaamka in loo dhoofiyo, laga soo dhoofiyo, ama dib u soo dhoofiska, loo, dhoofiyo, ama laga soo dhoofiyo Waqooyiga Kuuriya;

    3. Ka soo dhoofinta, u soo dhoofinta, ama dib u soo dhoofista alaabta raaxada ee Waqooyiga Kuuriya;

    4. Ka qeybqaata, mas’uul ka ah, ama fududeeya qarinta Dowladda Waqooyiga Kuuriya;

    5. Ka qeybqaata, mas’uul ka ah, ama fududeeya xadgubyada xuquuqda aadanaha ee ay ku kacdo Dowladda Waqooyiga Kuuriya;

    6. Gacan ka geysta lacag sharci daro ah, walxo ama lacag been abuur ah, dhuumaalaysi lacag badan oo naqdi ah, ama ka ganacsiga maandooriyeyaal caawiya Dowladda Waqooyiga Kuuriya ama madax sare ama shaqsi matala ama ku shaqeeya magaca Dowladda;

    7. Gacan ka geysta dhaqdhaqaaq wayn oo wax u dhimaya ammaanka interneetka iyadoo loo marayo isticmaalka shabakaddaha kombiyuutarrada ama nidaamyada shaqsiyaadka, dowladdaha shisheeyaha, ama shirkaddo kale iyadoo la hoos yimaado Dhowladda Waqooyiga Kuuriya;

    8. Ka iibinta, sahayada, ama ka soo wareejinta ama u wareejinta Dowladda Waqooyiga Kuuriya ama shaqsi kasta oo matalaya ama u shaqeeya Dowladdaas, xaddi badan oo ah birta qaaliga, garaafka, biraha cayriinka ama nus ahaan dhammaystiran ama aluumiiniyamka, bir, dhuxul, ama barnaamijka kombiyuutarrka, ama isticmaalka ama si toos ugu isticmaalka warshadaha la xiriira hubka waxburburiya iyo nidaamyada wax lagu gudbiyo sida hubka, dhaqdhaqaaqyada gaadiidka, ee Xisbiiga Shaqaalaha ee Kuuriya, ciidamada qalabka sida, ammaanka qaranka, ama dhaqdhaqaaqa sirta, ama howlo iyo gacan ku haynta xerooyinka maxbiiska siyaasadda ama xerooyinka shaqada qasabka, oo ay ku jiraan meelo ka baxsan Waqooyiga Kuuriya;

    9. Soo dhoofinta, sii dhoofiinta, ama diib u soo dhoofinta, gudaha, ama ka timaada Waqooyiga Kuuriya hub kasta ama walxo la xirriiirra; ama

    10. Si oggaan ah isku daya inuu gacan ka gaysto howlo kasta ee kor lagu soo xusa baragaraafka (1) ilaa (9).

Sidoo kale waxay Wasaaradda ay oggoshay in ay bixiso abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyan wixii xog ah ee horseeda in la oggaado shaqsi kasta, oo ku shaqeeya ama hoos yimaada kontoroolka dowladda Waqooyiga Kuuriya, caawiya ama ku qalqaaliya inay geysato xadgudub ku aaddan Xatooyo Kombiyuutar iyo Xeerka ku Tagrifalka (“CFAA”), 18 U.S.C. § 1030). Wasaaradda waxay raadinaysaa xog kasta ee sheegaya dhaqdhaqaaq ku xadgudbaya xeerka CFAA, gaar ahaan, balse aan ku koobnayn, danaha kuwa kaalinta ka qaata:

    1. Galida aan la fasaxin ee kombiyuutarrada iyo shabakaddaha gaaka loo leeyahay iyo kuwa bulshada iyadoo ulajeedka yahay in xog laga xado;

    2. Diridda barnaamijyada wax baabiya;

    3. Faafinta iyo isticmaalka barnaamijyada waxgeysta;

    4. Diridda hanjibaadyo waxyeello geysta, xog looga qaato, ama lagu codsado wax qiimo ku fadhiya ee la xiriira kombiyuutar, iyadoo ulajeedku uu yahay in lagu baado shaqsi ama shirkad lacag ama wax kale oo kasta oo qiimo ku fadhiyasida ku mamnuucan xeerka 18 U.S.C. §§ 1030(a)(2), (a)(3), (a)(5), and (a)(7).

Sawirro dheeraad ah ee

North Korea - English
North Korea - Chinese (Simplified)
North Korea - Chinese (Traditional)