La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Abdul Rahman Yasin

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Abdul Rahman Yasin wuxuu si toos ah u Ramzi Yousef oo ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii Febaraayo 1993-kii Xarunta Ganacsiga Dunida ee Magaalada New York. Yousef iyo Yasin waxay wateen gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa waxayna la galeen Xarunta Ganacsiga Dunida, halkaasoo ay ku dhinteen lix qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan kun qofood Qaraxa bamka kaddib wuxuu Yasin islamarkiiba u baxsaday dalka Mareykanka si uu uga badbaado in la xiro.

Qaraxa bamka kaddib, saraakiisha ciidanka nabadgelyada waxay heleen caddeymo suurageliyay in la eedeeyo lana soo xiro dhowr lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen argagixisada ku lug lahaa bamka, oo uu ku jiray Yasin.

Yasin wuxuu ku dhashay dalka Mareykanka, wuxuuna dalka Iraq u guuray 1960-yadii, wuxuuna Mareykanka ku soo laabtay xilligii dayrta ee 1992-kii. Wuxuu qabaa baasaboor Mareykan ah.

Shakhsiga magaciisu kor ku yaal waxaa lagu soo dacweeyey eedeymaha soo socda:

Waxyeello ay keenaan dab ama waxyaabaha qarxa; waxyeello ay hantida Mareykanka gaarsiiyaan dab ama waxyaabaha qarxa; gaadiid gobollada la isaga gudbiyo waxyaabaha qarxa; burbur la gaarsiiyo gaadiidka ama xarumaha gaadiidka; shirqool lagu sameynayo dembi ama khiyaamayo Mareykanka; caawimaad iyo dhiirigelin; ciqaabta geerida ama xabsi daa’inka marka ay geeri timaad; weerar lagu qaado sarkaalka dawladda dhexe ee hawshiisa gudanaya; iyo in la sameeyo rabashado iyadoo la adeegsanayo hubka ama qalabka wax dila.

Sawirro dheeraad ah ee

Abdul Rahman Yasin