La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Abdul Saboor

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Abdul Saboor waa qabiir ku taqassusay samaynta walxaha qarxa oo waxaana lala xiriiriyaa inuu xubin ka yahay kooxda Hezb-e Islami Gulbuddin (HIG).

Saboor wuxuu mas’uul ka yahay qarax ah weerarkii dhacay 16ka bisha Maajo, 2013 kaasoo ahaa miino macmal ah oo gaari lagu soo rakibay [suicide vehicle-borne improvised explosive device (SVBIED)] weerarkaasoo ka dhacay magaalada Kaabuul, dalka Afgaanistaan, kaasoo burburiyay baabbuurta SUV oo gaashaaman ee Maraykanka leeyahay, waxaa weerarkaasi ku dhintay laba askari oo Maraykan ah iyo afar qandaraasle oo shibil Maraykan ah, sideedaad qof oo Afgaani ah—oo ay u jiraan laba carruur—oo sidoo kale waxaa dhaabac ku soo gaaray 37 qof oo kale.

Qabiir Saboor iyo qabiir Abdullah Nowbahar oo ah qabiirro ku taqassusay walxaha qarxa ayaa ah kuwa doorwayn ka ciyaaray oo ka qaybqaatay weerarkii dhacay 18ka bisha Seteember, 2012 wuxuu ahaa weerar SVBIED oo lagu qaaday bas wada shaqaale shisheeye oo ku socday Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Kaabuul, halkaasoo lagu dilay in ka badan darsin dad ah.