La Raadinayo
Macluumaad sababa in qofkan caddaaladda la horkeeno...

Abdelkarim Hussein Mohamed al-Nasser

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

25-kii Juun, 1996, xubno ka tirsan ururka Hizballah ee Sacuudiga ayaa weerar ku qaaday guryaha la dego ee ku yiil Daaraha Khobar ee ku dhowaa Dhahran, Saudi Arabia. Xilligaasi, waxaa xeradaasi degganaa shaqaalaha ciidanka Mareykanka. Gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ee balaastikada ah ayeey argagixisada u kaxeyn jireen goobta baabuurta la dhigto kaddibna waxay qarxiyeen alaabtii, waxaana ku burburay dhismooyinkii oo idil aan ka ahayn dhismihii u dhowaa. Waxaa weerarka ku dhintay 19 qof oo ah shaqaalaha Mareykanka iyo qof Sacuudi ah, waxayna dhaawaceen 372 oo kale oo kala jinsiyado duwan.

Shakhsiga kor ku qoran waxaa lagu eedeeyey Degmada Bariga Virginia qaraxyadii bamka ee 25-kii Juun, 1996-kii ee guryaha militariga ee Daaraha Khobar ee ku yaal Dhahran, Saudi Arabia.

Shakhsiga magaciisu kor ku yaal waxaa lagu soo dacweeyey eedeymaha soo socda:

Shirqool lag dilayo muwaadiniin Mareykan ah; shirqool lagu laynayo shaqaalaha Mareykanka; shirqool lagu adeegsanayo hubka burburka culus geysta ee lagu waxyeelayo muwaadiniinta Mareykanka; shirqool lagu burburinayo hantida Mareykanka; shirqool lagu weerarayo qaybaha difaaca qaranka ee Mareykanka; dil loo geysto shaqaalaha qaranka; isku day lagu dilayo shaqaalaha qaranka.