Wararkii ugu Dambeeyey

Maulana Fazlullah

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Maulana Fazlullah waa hoggaamiyaha Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), waa urur argagaxiso oo saldhigoodu yahay dhulka qabaailka ee barriga Afghanistan iyo waqooyiga Pakistan. Taariikh ahaan TTP waxay xiriir hoosaad ah ay la leeyihiin ururka al-Qaacida.

Tan iyo markii loo magacaabay guddiga shuurada ee bartamaha kooxda taariikhdu markay ahayd bisha Nofembar, 2013, Fazlullah wuxuu abbaabulay oo amray dhowr weer oo TTP ay ku qaaday danaha Pakistani oo si waadax ah ayaa waxay u eedeysay dowladda Mareykanka ee howlaha militeri oo ay kooxdaasi ku wado.

Bishii Diseembar 2014, howl-wadeennada Fazlullah fuliyeen weerraro argagaxiso oo halis ah oo laga sheekeeyo oo Pakistan dhexdeedu ku qaadeen ku waas oo ay ku dhinteen ilaa 151 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 130 carruur, inta lagu jiro weerar lagu qaaday Dugsi Dadwayne oo Ciidin oo ku yaala Peshawar, Pakistan.

(Qoraal Buuxa »)

Abdul Wali

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Abdul Wali waa hoggaamiyaha kooxda Jamaat ul-Ahrar (JuA), waa urur xagjir ah oo xiriir la leh Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP). Waxaa la soo wariyay inuu ka howlgalo gudaha Gobollada Nangarhar iyo Kunar ee Afghanistan.

Inta Wali uu hoggaaminayay, JuA wuxuu ahaa mid ka mid ah shabakada TTP ee howlaha ugu firfircoon ka wada Gobolka Punjab oo waxay sheegteen bambo qarax oo isbiimeys ah iyo weerarro kale oo ka dhacay dhammaan wadanka Pakistan.

Bishii Maarso 2016, JuA waxay fuliyeen qarax bambaano oo isbiimeys ah oo ay ka fuliyeen beer darjiin dadwayne oo ku taala Lahore, Pakistan halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 75 qof oo ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo 340 qof.

(Qoraal Buuxa »)

Mangal Bagh

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Mangal Bagh waa hoggaamiyaha Lashkar-e-Islam, waa urur xag-jir oo xiriir la leh kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP). Kooxdiisu waxaa lacag ka soo gala ka ganacsiga. soo gelinta muqaadaraadka, afduubka, weerarka kolonyada ciidamada NATO, iyo canshuur ay ka qaataan ganacsiga u dhaxeeya Pakistan iyo Afghanistan.

Bagh wuxuu kooxda Lashkar-e-Islam hoggaamiye uu u ahaa tan ilaa sanadkii 2006 oo si caadi ah uu ugu wareegey inuu la xulufoowo oo ay ilaaliyaan dakhliga ku soo qolqolao iyaga oo isla markaana dardargelinnaya dariiqada xagjirka ah ee Deobandi Islam ee ka jira bariga Afghanistan iyo waqooyiga Pakistan ee uu isaga kontoroolo, gaar ahaan Gobolka Nangarhar Province, Afghanistan.

(Qoraal Buuxa »)

Axlaam Axmad al-Tamiimi

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Waa mawaadin Cumaan ah, Axlaam Axmad al-Tamiimi, ayaa sidoo kale waxaa loo yaqaanaa “Khalti” iyo “Halati,” waa aragagaxiso lagu helay dambi ah inay weerar argagaxiso ay XAMAAS u fulisay.

9ka bisha Agoosto, 2001, al-Tamiimi waxay bambo iyo qof isoo biimayay oo XAMAAS ah geysay maqaaxi lagu magacaabo biireeriya Sbarro oo ku taalla Baytal Muqadas, halkaas oo qofkii isoo biimeeyay bambkii iyo isaga halkaas isku qarxiyay, isagoo dilay 15 qof, oo ay ku jiraan toddobo carruur. Laba qof oo Ameerikaan ah ayaa sidoo kale weerarkaas lagu dilay – Judith Shoshana Greenbaum, waxay ahayd qof macallimad ah oo ka timid New Jersey, da’deedu waxay ahayd 31-sano jir oo uu r leh, iyo Malka Chana Roth, waxay ahayd 15-sano-jir. Halkaas 120 qof ayaa dhaabacyo ka soo gaaray, oo ay ku jiraan afar qof oo Ameerikaan ah. Mas’uuliyadda bambka XAMAAS ayaa sheegatay.

(Qoraal Buuxa »)

Talaal Xamiyah (Talal Hamiyah)

Abaalmarin Gaaraya Illaa $7 Milyan

Talaal Xamiyah waa madaxa Ururka Xisbullah ee Ururka Amniga Dibadda [External Security Organization (ESO)], kaas oo gacanta ku haya goobo habaysan oo dunida ku yaala. ESO waa qofka Xisballah mas’uulka uga ah qorshaynta, isuduwida, iyo meel-marinta weerrarada argagaxiso ee Labanaan meel ka baxsan ka dhaca. Weerarrada waxay lagu bartilmaamaystaa Israaiiliyiinta iyo Ameerikaanka.

Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Mareykanka shaqsigan Talaal Xamiyah ku magacaawday taariikhda markay ahayd 13ka bisha Seteember, 2012 inuu yahay Argagaxiso Gaar ah ee u Magacaaban Caalamka [Special Designated Global Terrorist (SDGT) iyadoo loo hiigsanayo Amarrada Dowliga ee 13224 inuu gacan ka geysto howlaha weerarrada argagixisada ee Xisballah ee Bariga Dhexe iyo caalamka oo dhan.

(Qoraal Buuxa »)

Fuad Shukr

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Fuad Shukr la taliyaha sare ee arrimaha militeriga ee Kalkaaliyaha Guud ee Ururka Xisballah ee Xasan Nasrallah. Shur waa howlwadeenka sare ee Xisballah oo ah taliyaha militeriga ee xoggaga Xisballah ee koonfurta Labanaan. Wuxuu u adeeggaa xubnaha ugu sareeya ee militeriga Xisballah, Guddiga Jihaadka.

Howlaha Shukri ee matalaya Xisballah u qabtay oo haddana u qabto 30 meeyo sano ayay soo socotay. Waxay aad isku dhowaayeen taliyihii Xisballah Imad Mughniyah oo dhowaan geeriyooday. Shukr wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray qorshaynta iyo meel-marinta weerarki dhacay 23ka bisha Oktoo, 1983 ee Ciidamada U.S. Marine Corps ee Bayruut, Labanan dhexdeeda halkaas oo ay ku geeriyoodeen 241 askari Mareykanka ah lagu dilay.

(Qoraal Buuxa »)

Muhammad al-Jawlani

Abaalmarin Gaaraya Illaa $10 Milyan

Muhammad al-Jawlani, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Muhammad al-Golani, oo sidoo kale loo yaqaano Muhammad al-Julani, waa hoggaanka sare ee ururka argagaxisada, ururka al-Nusrah Front (ANF), al-Qaacidada Suuriya. Bisha Abriil 2013, al-Jawlani wuxuu ballan ku maray inuu naftiisa u hurayo al-Qaacida iyo hoggaamiyaheeda Ayman al-Zawahiri. Bishii Luulyo 2016, al-Jawlani wuxuu ammaanay al-Qaacida iyo al-Jawlani isagoo ka soo muuqday fiidiyow online-ka la soo dhigey oo wuxuu sheegey in magaca ANF la bedellayo oo loo bedelli dalayo Jabhat Fath Al Sham (“Conquest of the Levant Front”). Inta hoggaanka al-Jawlani la hoos imaanayay, ururka ANF waxay Suuriya dhexdeeda ka fulisay dhowr weerar argagax ah, inta badan iyaga oo shacabka bartilmaameedsanaya. Bisha Abriil 2015 dhexdeeda, ururka ANF waxaa la soo sheegey in ay afduubteen, oo wakhti ka dibna soo daayeen, ku dhowaad 300 qof oo shacab Kurdish iyagoo ka afduubtay bar kontarool oo Suuriya ku taala. Bisha Juun 2015 dhexdeeda, ururka ANF iyaga ayaa sheegtay mas’uuliyadda xusuuq lagu sameeyay 20 qof oo ahaa dad degan tuulada Druze ee Qalb Lawzeh oo ku taalay gobolka Idlib, Suuriya. (Qoraal Buuxa »)

Dilka Joel Wesley Shrum

Taizz, Yemen | 18ka Maarso, 2012

Taariikhdu markay ahayd 18ka bisha Maarso, 2012, Shrum, oo ay da’diisu ahayd 29, waa la toogtay oo la dilay isagoo shaqadiisa ku sii socda ee magaalada Taizz, Yemen, waxaa dilay qof qori ku hubbaysnaa oo mooto gadaal ka saarnaa isagoo gaarigiisa wada saaran dhinac dhigtay qofka mootada saarnaa. Xilligii la dilayay, Shrum wuxuu ka shaqayn jiray Xarunta Horumarinta iyo Tabbabarka Caalamiga [International Training and Development Center] isagoo maamule iyo macallin maadada Ingiriiska dhiga ka ahaa. Wuxuu markaas isaga iyo xaaskiisa iyo labadiisa carruur ay ku noolaayeen wadanka Yemen. Dhowr maalmood weerarka ka dib, ururka argaggixisada ee al-Qaidada jooga Arabian Peninsula (AQAP) ayaa mas’uuliyadda dilkaas sheegtay. Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada [Reward for Justice] waxay ku yaboohaysaa in abaal-marin ahaan ay ku bixinayso lacag gaaraysa ilaa $5 milyan oo doolar oo ay siinayso cidii keenta macluumaad u horseeda in la so qabto ama maxkamad lagu saaro qofkii geystay, qorsheeyay inuu geysto, ama gacan ka gaystay dilkii muwadinniintii Ameerikaanta ahaa ee lagu magacaabi jiray Joel Shrum. (Qoraal Buuxa »)

Abu Bakr al-Baghdadi

Abaalmarin Gaaraya Illaa $25 Milyan

Abu Bakr al-Baqdaadi, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Ducaa, oo sidoo kale loo yaqaano Ibrahim ‘Awwad Ibrahim ‘Ali al-Badri, waa mas’uul sare oo ka tirsan ururka argaggixisada, ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL). Cabsida al-Baghdadi aad ayay u siyaaday maadaama Waaxda Arrimaha Dibadda abaal-marinteeda koowaad ee ay ku dhawaaqday ahayd $10 milyan abaal-marintaas oo horseeda xogta la xiriirta goobta, soo qabashada, ama xukun dembi ee lagu dhawaaqay 2011. Bisha Juun ee 2014, ISIL (oo sidoo kale Daacish ku magac dheer) ayaa waxay la wareegtay xukunka qaybo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxayna ku dhawaaqeen in ay dhidibbada u taageen qaliifada Islaamka, oo al-Baghdadi qaliifada u dhiibeen. Sannaddihii ugu dambeeyay, ururka ISIL waxaa u soo kordhay midnimada kooxaha jihaad-doonka oo waxay maanka ka qabsaden shaqsiyaad kala jooga meelo badan oo dunnida ka tirsan, oo waxay dhiirigeliyeen weeraro Maraykanka ka dhex dhaca. (Qoraal Buuxa »)

Gulmurod Khalimov

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Waa qof ka soo jeeda Tajikistan oo horey u ahaa korneel u qaabilsan howlwadeenka gaarka ah, abbaanduulyaha baliiska, iyo toogte gaar ah ee ciidamada waa Gulmurod Khalimov oo waa qof xubin ka ah Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [Islamic State of Iraq and the Leavant (ISIL)] oo waa qofka u qaabilsanaa qorista iyo shaqaalaysiinta xubnaha. Wuxuu ahaan jiray abbaanduuliyea gaarka ah ee qaybta ciidamada gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Tajikistan. Khalimov wuxuu ka soo muuqday fiidiyow dacaayad ah oo na xaqiijinnaya inuu ISIL u dagaalamaya oo wuxuu af-buuxa uu ugu dhawaaqay inuu qaadi doono tallaabo ficil celin rabsho ah oo lagu qaado dadka Ameerikaanka. (Qoraal Buuxa »)

Abu-Muhammad al-Shimali

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Hoggaanka Sare ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (ISIL) Hoggaamiyaha Xuduuda Tirad al-Jarba, oo loo yaqaano magaca Abu-Muhammad al-Shimali, waxaa lala xiriirinnayaa kooxda ISIL, kooxdaasoo horey loogu yeeri jiray oo magacoodu ahaa al-Qaida da Ciraaq, tan iyo ilaa sannadkii 2005. Hadda wuxuu hayaa jagada ugu sareyso ee ugu muhiimsan ee Guddiga Isku-duwida iyo (Qoraal Buuxa »)

Saliida iyo Waxyaabaha Qadiimiga ee si Suuq-madoow ahaan ay Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL)] uga ganacsada

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada waxay ku yaboohaysaa abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyuun oo la siinaya qofkii keena xog ama macluumaad horseeda in carqaladeyn lagu sameeyo iibinta iyo/ama ganacsiga saliida iyo alaabaha qadiimka oo qaaliga ah oo loo gadado, laga gado, ama magacooda lagu iibiyo, ama loogu talagalo in ay ku faaidaystaan (Qoraal Buuxa »)