Wararkii ugu Dambeeyey

Salman Raoul Salman

Abaalmarin Gaaraya Illaa $7 Milyan

Salman Raoul Salman ayaa hogaaminaya oo taageera hawlaha argagixisada Xisballaahee Galbeedka Hemisphere. Hogaamiye ku jira Ururka Amniiga Dibadda ee Xisballaah (ESO), sidoo kale Salman wuxuu ku lug la’haa hawlihii shirqoolka ee dunida oo dhan ka dhacay. Ururka ESO waa qaybta Xisballaahoo mas’uulka ka ah qorshaynta, isuduwidda, iyo fulinta weerarrada argagixiso ee Labnaan wixii ka baxsan ah. Weerarrada ayaa waxaa si gaar ah lagu bartilmaameedsaday Israaiil iyo Ameerikaanka.

Qaar ka mid ah shirqoolada kaas oo Salman uu ku lug lahaa waxaa ka mid ahaa qaraxii ismiidaaminta ee xarunta dhaqanka ee Ururka Isku-taga Israaiil iyo Arjantii (AMIA) [Argentine Israelite Mutual Association (AMIA)]. Taariikhdu markay ahayd 18ka Luulyo, 1994, Xisbullaah walxaha qarxa ku xirtay gaari miino macmal ah oo ay dhigtay meel dibbad ka ah xarunta dhaqanka ee AMIA ee magaalada Buenos Aires halkaas oo ay ku dhinteen 85 qof. Salman waxaa lagu qiimeeyay inuu ahaa isuduwaha weerarka ee goobta ku sugnaa.

(Qoraal Buuxa »)

Shabakada Maaliyadda ee Lubnaan Hizballah

Abaal-marinta Caddaalada waxay ku yaboohaysaa in ay bixinayso abaal-mari gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Hizballah Lubnaan. Kooxaha argagixisada sida Hizballah waxay ku tiirsan yihiin shabakado maal-galin iyo shabakado u fududeyeeya si ay u sii wadaan hawlgallo iyo weerarda ay caalamka ka geystaan. Hizballah waxay sannad kasta kasbadaan hal bilyan oo doolar iyada oo ay u soo marto taageero dhaqaale oo toos ah oo ay ka helaan Iiraan, ganacsiyada caalamiga ah iyo maalgashiga, shabakadaha deeqaha bixiya, musuqmaasuqa, iyo dhaqdhaqaaqa lacag aan sharci ahayn. Kooxdu waxay lacagahan u isticmaashaa si ay u taageeraan waxqabadyadooda rabitaankooda waxyeellada xun ee adduunka oo dhan, oo ay ka mid yihiin: In xubnahooda maleeshiyada ay daadgureeyaan Suuriya iyagoo ku taageeraya kaligii taliyaha Assad; hawlgallada lagu eedeeyey in ay sameeyaan ilaaladooda iyo ururin sirdoon oo ay ka sameeyaan gudaha Mareykanka; iyo wanaajin awooddaha milateri ee kor u qaadista ilaa heer ay Hizballah sheeganayso in ay leedahay gantaallo si sax isu hagga. Hawlgalladan ururradan argagixiso waxaa lagu maalgeliyaa shabakadda caalamiga ah ee Hizballah ee taageerada maaliyadeed iyo dhaqdhaqaaqyo – ka haqabtirayaasha maaliyadeed iyo dhismo kuwaas oo ka dhigaya in Hizballah ay u noqto mid nafsiisa.

(Qoraal Buuxa »)

Hamza bin Laden

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $1 Milyan

Hamza bin Laden waa wiilkii uu dhalay hogaamiyehii hore ee geeriyooday ee ururka al-Qaacida Cusaama bin Laden oo wuxuu ku soo baxayaa hoggaamiye kale ee ururka al-Qaacida. Wuxuu fariin maqal iyo muuqaal ah ku soo diray qatka Internetka, isagoo dadka raacsan ugu baaqay inay weeraro ku qaadaan Mareykanka iyo xulafadooda reer Galbeedka, wuxuuna ku hanjabay weeraro ka dhan ah Maraykanka oo lagu aargoosanayay dilkii dhacay bishiii Maajo 2011 ee aabbihiisa ay ay dileen ciidamada militariga Maraykanka.

Hamza bin Ladin wuxuu guursaday gabadha uu dhalay Abdullah Ahmed Abdullah, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka al-Qaacida kaasoo bishii Nofembar ee sanadkii 1998-kii lagu soo oogay dembi iyo kaasoo lagu soo eedeeyay dacwad ah doorkii uu ku la’haa qaraxyadii safaaradaha Mareykanka Dar es Salaam, Tansaaniya iyo Nayroobi, Keenya ee dhacay 7da bishii Ogoosto 1998-kii. Fiidiyowga Hamza ee arooskiisa waxaa laga helay gurigii Usama bin Laden ee Abbottabad oo waxaana CIA ay sii daaysay sannadkii 2017-kii. Warqadaha Usama bin Laden ee laga soo qaaday dhismaha Abbottabad, Pakistan ee waa halka bin Laden lagu dilay ayaa tilmaamaysa inuu Hamza ahaa qof si qurux ah isu diyaarinaayay inuu beddello oo uu noqonayo hogaamiyaha al-Qaacida.

(Qoraal Buuxa »)

Weerrardii Mumbai ee 2008

Mumbai,Hindiya | 26-29 Nofembar, 2008

Laga soo bilaabo 26ka Nofembar, 2008, illaa 29kii Nofembar, 2008, 10 qof oo weerarayaal ah oo ay tababar ku qaatay ururka argagixisada ee ajnabiga ah ee Pakistan oo lagu magacaabo Lashkar-e-Tayyiba (LeT) ayaa weerarro isdaba joog ah oo lala beegsaday meelo badan oo Mumbai, Hindiya, oo ay ku jiraan hotelka Taj Mahal, hoteelka Oberoi, Café Leopold, Guriga Nariman (Chabad) iyo saldhigga tareenka Chhatarapati Shivaji Terminus, kaas oo dilaa qiyaastii 170 qof.

Lix Maraykan ah ayaa lagu dilay intii lagu jiray weerarka saddexda maalmood ah: Ben Zion Chroman, Gavriel Holtzberg, Sandeep Jeswani, Alan Scherr, gabadhiisa Naomi Scherr, iyo Aryeh Leibish Teitelbaum.

(Qoraal Buuxa »)

Salih al-Aruri

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Bishii Oktoobar 2017 dhexdeeda, Salih Al-Aruri, oo ah mid ka mid ah Guutada Izzedine al-Qassam Brigades, waa garabka militeriga Xamaas, ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo hoggaamiye ku xigeenka Xafiiska Siyaasadda Xamaas. Al-Aruri wuxuu maal-geliyaa oo uu amraa howlaha militeriga Xamaas oo ay ka wado Galbeedka West Bank oo waxaa lala xiriirinnayaa inuu geystay weerraro argagaxiso oo dhowr ah, afduub, iyo qafaalasho. Sanadkii 2014 dhexdeeda, al-Aruri wuxuu ku dhawaaqay in Xamaas ay ka mas’uul tahay weerarkii dhacay 12ka bisha Juun, 2014 oo lagu afduubbay oo laguna dilay seddex dhallinyaro oo Israaiili ah ee ku sugnaa Galbeedka West Bank, oo ay ku jiro qof isla haystay dhalashada Mareykanka iyo Israaiili oo la yiraahdo Naftali Fraenkel. Si waadax ah ayuu u ammaanay in dilka uu yahay sida “howl halyeennimo” inuu ahaa. Bishii Seteember 2015 dhexdeeda, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay u idmatay in al-Aruri uu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah [Specially Designated Global Terrorist (SDGT)] sida uu qabo Amarrada Dowliga ee 13224, amar sababaya in cuno-qabatayn lagu soo rogo hantidisa maaliyadeed.

(Qoraal Buuxa »)

Khalil Yusif Harb

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Khalil Yusif Harb waa la taliye aad ugu dhow Xoghayaha Guud Hassan Nasrallah, hoggaanka kooxda argagaxisada Hizballah ee Lebaniis, oo sidoo kale wuxuu noqday isku-xiraha militeriga kooxda oo wuxuu u ahaa ururrada argagaxisada ee Iiraaniyiinta iyo Falastiiniyiinta. Harb wuxuu xukumayay oo uu horjooge uu ahaa howlaha militeri ee ururka ee ka howlgalayay dhulka Falastiiniyiinta iyo waddamo dhowr ah oo ku baahsan Barriga Dhexe. Tan iyo sanadkii 2012, Harb wuxuu kaalin lu la’haa dhaqdhaqaaqa caddad badan oo lacag ah ee xulufada Hizballah ee siyaasadda ee Yemen. Bishii Agoosto 2013, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Harb waxay u magawday inuu yahay Argagaxiso Caalami ah sida uu qabo Amarrada Dowliga ee 13224.

(Qoraal Buuxa »)

Haytham ‘Ali Tabataba’i

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Haytham ‘Ali Tabataba’i waa hoggaanka ugu muhiimsan ee militeriga Hizballah oo hoggaaminayay ciidamadda gaarka ah ee Suuriya iyo Yemen. Ficillada Tabataba’i ee Suuriya iyo Yemen dhexdeeda waxay qayb ka yihiin dadaalka wayn ee Hizballah ay ugu jirto inay fidiso taageero tabbar, qalab, iyo ciidanba si ay u carqaladdayso dhaqdhaqaaqa gobolka ka socda. Bishii Agoosto 2016, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Tabataba’i waxay u idmatay inuu yahay Argaggaxiso Caalami ah sida uu qabo Amarrada Dowliga ee 13224.

(Qoraal Buuxa »)

Qasim al-Rimi

Abaalmarin Gaaraya Illaa $10 Milyan

Qasim al-Rimi waxaa loo magacaabay emir ka AQAP bishii Juun 2015 kii, wax yar ka dib markii uu ku dhaartay inuu adeecayo hoggaamiyaha kooxda al-Qaacida Ayman al-Zawahiri oo wuxuu cahdi ku maray inuu dib u bilaabayo weerarrada Maraykanka uu ku qaadayo. Al-Rimi waxay tababar ay argaggixisada ku siinaysay kaabka al-Qaacida ee wadanka Afghanistan sanaddadii 1990 aadkii, marka xigtana waxay ku noqdeen dalka Yemen oo waxay noqdeen abbaanduulaha ciidanka AQAP. Sanadku markuu ahaa 2005 waxaa lagu xukumey shan sano oo xarig ah wadanka Yemen dhexdiisa isagoo qorsheynayay inuu dilo Safiirka Ameerikaanka ee Yemen u fadhiyay, oo wuxuu baxsaday 2006 dii. Al-Rimi waxaa la la xiriiriyaa weerarkii dhacay bishii Seteember 2008 ee lagu qaaday Safaaradda Maraykanka ee Sanca kaas oo sababay in 10 qof oo waardiyayaal reer Yemen ah, afar shicib, iyo lix argaggixiso ay ku dhintaan. Al-Rimi ayaa sidoo kale waxaa la la xiriiriyaa isku daygii isoo biimayay qarax ee dhacay bishii Diseembar 2009 ee ninkii lagu naanaysan jiray “underwear bomber” [“matanti ku qarxiyihii”] Cumar Faaruuq Cabdulmutallib soo fuulay diyaarad ku soo socota Maraykanka. Sanadkii 2009, dowladda Yemen waxay ku eedaysay inuu howl-wadeen ka ahaa kaamb tababar ee al-Qaacida oo ku yaalay gobolka Abyan ee dalka Yemen.

(Qoraal Buuxa »)

Khalid Saeed al-Batarfi

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Khalid al-Batarfi waa xubin sare oo ka tirsan Al-Qaacidada Gacanta Carabta [AQAP] ee Dowladda Xadramuut ee dalka Yemen iyo xubin hore oo ka tirsanaa AQAP guddigeeda shuura. Sanadkii 1991, wuxuu u safray dalka Afghanistan, halkaas oo uu ku soo tabbabartay xerada al-Farouq ee al-Qaacida. Sanadka 2001, wuxuu ka dhinac dagaalamayay kooxda Taliban ee ka soo horjeeday ciidamada Maraykanka iyo Isbahaysiga Neeto. Sanadka 2010, al-Batarfi wuxuu ku biiray AQAP Yemen, wuxuu hoggaaminayay dagaalyannada AQAP si gacan ay ugu dhigaan Gobolka Abyan ee dalka Yemen, oo waxaa loo magacaabay inuu noqdo amiirka AQAP ee Abyan. Geeridii hoggaamiyihii AQAB Nasir al-Wuhayshi ka dib ee bishii Juun 2016 ee weerarkii ciidamada Maraykanka, wuxuu soo saaray qoraal digniin ah in kooxda al-Qaacida ay burburinayso dhaqaalaha Maraykanka iyo inuu weerar ku qaadayo danaha kale ee Maraykanka.

(Qoraal Buuxa »)

Abdullah Ahmed Abdullah

Abaalmarin Gaaraya Illaa $10 Milyan

Abdullah waa hoggaamiye sare oo al-Qaacida ka tirsan oo xubinna ka ah guddiga hoggaanka al–Qaacida, “majlis al-shura.” Cabdalla waa sarkaal maaliyadeed oo qibrad leh, waa fududeeye, iyo qorsheeyaha howlwadeenka al-Qaacida.

Cabdalla dembi ayaa lagu soo eedeeyay oo ku soo rogay guurto dadwayne oo xeer federaal ah bishii Nofeember 1998 doorkii uu ku la’haa 7da Abgoosto, 1988, qaraxii ka dhaxay safaaraddihii Maraykanka ee Darasalaam, Tansaaniya iyo Nayroobi, Kiinya. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday 224 oo shacab ah oo waxaana ku waxyeeloobay in ka badan 5,000 kale.

Sanadihii 1990 yadii, Cabdalla wuxuu tabbabar militeri uu u fidiyay howlwadeeno al-Qaacido iyo sidoo kale niman qabaa’ilo Soomaali ah oo la dagaalamay ciidamada Maraykanka Muqdisho ku sugnaa inta lagu jiray howlgalkii Howlgalkii Rajo ku soo Celinta (Operation Restore Hope). Laga bilaabo 1996-1998, waxaa ka howlagalayay xerooyin tabbabar dhowr ah ee al-Qaacida oo Afghanistan ku yiilay. (Qoraal Buuxa »)

Sayf al-Adl

Abaalmarin Gaaraya Illaa $10 Milyan

Al-Adl waa hoggaamiye sare oo al-Qaacida ka tirsan oo xubinna ka ah guddiga hoggaanka AQ, “majlis al-shura.” Sidoo kale Al-Adl waxaa madax u ah guddiga ciidamada al-Qaacida.

Al-Adl wuxuu ahaa oo dembi ayaa waxaa ku soo eedeeyay oo ku soo rogay guurto dadwayne oo xeer federaal ah bishii Nofeember 1998 doorkii uu ku la’haa 7da Abgoosto, 1988, qaraxii ka dhaxay safaaraddihii Maraykanka ee Darasalaam, Tansaaniya iyo Nayroobi, Kiinya. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday 224 oo shacab ah oo waxaana ku waxyeeloobay in ka badan 5,000 kale.

Wuxuu ahaa gaashaanle sare ka ahaa Ciidanka Gaarka ah ee Masar ilaa laga soo xiro ee sanadkii 1987 isaga ilaa ku dhowaad kumanaan kun oo ah xoogaga dowladda ku kacsan ka dib marka uu dhacay isku day la isku day in dil loo geysto wasiirka arrimaha gudaha ee Masar (Qoraal Buuxa »)

Abdul Wali

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Abdul Wali waa hoggaamiyaha kooxda Jamaat ul-Ahrar (JuA), waa urur xagjir ah oo xiriir la leh Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP). Waxaa la soo wariyay inuu ka howlgalo gudaha Gobollada Nangarhar iyo Kunar ee Afghanistan.

Inta Wali uu hoggaaminayay, JuA wuxuu ahaa mid ka mid ah shabakada TTP ee howlaha ugu firfircoon ka wada Gobolka Punjab oo waxay sheegteen bambo qarax oo isbiimeys ah iyo weerarro kale oo ka dhacay dhammaan wadanka Pakistan.

Bishii Maarso 2016, JuA waxay fuliyeen qarax bambaano oo isbiimeys ah oo ay ka fuliyeen beer darjiin dadwayne oo ku taala Lahore, Pakistan halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 75 qof oo ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo 340 qof.

(Qoraal Buuxa »)

Mangal Bagh

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Mangal Bagh waa hoggaamiyaha Lashkar-e-Islam, waa urur xag-jir oo xiriir la leh kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP). Kooxdiisu waxaa lacag ka soo gala ka ganacsiga. soo gelinta muqaadaraadka, afduubka, weerarka kolonyada ciidamada NATO, iyo canshuur ay ka qaataan ganacsiga u dhaxeeya Pakistan iyo Afghanistan.

Bagh wuxuu kooxda Lashkar-e-Islam hoggaamiye uu u ahaa tan ilaa sanadkii 2006 oo si caadi ah uu ugu wareegey inuu la xulufoowo oo ay ilaaliyaan dakhliga ku soo qolqolao iyaga oo isla markaana dardargelinnaya dariiqada xagjirka ah ee Deobandi Islam ee ka jira bariga Afghanistan iyo waqooyiga Pakistan ee uu isaga kontoroolo, gaar ahaan Gobolka Nangarhar Province, Afghanistan.

(Qoraal Buuxa »)

Axlaam Axmad al-Tamiimi

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Waa mawaadin Cumaan ah, Axlaam Axmad al-Tamiimi, ayaa sidoo kale waxaa loo yaqaanaa “Khalti” iyo “Halati,” waa aragagaxiso lagu helay dambi ah inay weerar argagaxiso ay XAMAAS u fulisay.

9ka bisha Agoosto, 2001, al-Tamiimi waxay bambo iyo qof isoo biimayay oo XAMAAS ah geysay maqaaxi lagu magacaabo biireeriya Sbarro oo ku taalla Baytal Muqadas, halkaas oo qofkii isoo biimeeyay bambkii iyo isaga halkaas isku qarxiyay, isagoo dilay 15 qof, oo ay ku jiraan toddobo carruur. Laba qof oo Ameerikaan ah ayaa sidoo kale weerarkaas lagu dilay – Judith Shoshana Greenbaum, waxay ahayd qof macallimad ah oo ka timid New Jersey, da’deedu waxay ahayd 31-sano jir oo uu r leh, iyo Malka Chana Roth, waxay ahayd 15-sano-jir. Halkaas 120 qof ayaa dhaabacyo ka soo gaaray, oo ay ku jiraan afar qof oo Ameerikaan ah. Mas’uuliyadda bambka XAMAAS ayaa sheegatay.

(Qoraal Buuxa »)

Talaal Xamiyah (Talal Hamiyah)

Abaalmarin Gaaraya Illaa $7 Milyan

Talaal Xamiyah waa madaxa Ururka Xisbullah ee Ururka Amniga Dibadda [External Security Organization (ESO)], kaas oo gacanta ku haya goobo habaysan oo dunida ku yaala. ESO waa qofka Xisballah mas’uulka uga ah qorshaynta, isuduwida, iyo meel-marinta weerrarada argagaxiso ee Labanaan meel ka baxsan ka dhaca. Weerarrada waxay lagu bartilmaamaystaa Israaiiliyiinta iyo Ameerikaanka.

Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Mareykanka shaqsigan Talaal Xamiyah ku magacaawday taariikhda markay ahayd 13ka bisha Seteember, 2012 inuu yahay Argagaxiso Gaar ah ee u Magacaaban Caalamka [Special Designated Global Terrorist (SDGT) iyadoo loo hiigsanayo Amarrada Dowliga ee 13224 inuu gacan ka geysto howlaha weerarrada argagixisada ee Xisballah ee Bariga Dhexe iyo caalamka oo dhan.

(Qoraal Buuxa »)

Fuad Shukr

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Fuad Shukr la taliyaha sare ee arrimaha militeriga ee Kalkaaliyaha Guud ee Ururka Xisballah ee Xasan Nasrallah. Shur waa howlwadeenka sare ee Xisballah oo ah taliyaha militeriga ee xoggaga Xisballah ee koonfurta Labanaan. Wuxuu u adeeggaa xubnaha ugu sareeya ee militeriga Xisballah, Guddiga Jihaadka.

Howlaha Shukri ee matalaya Xisballah u qabtay oo haddana u qabto 30 meeyo sano ayay soo socotay. Waxay aad isku dhowaayeen taliyihii Xisballah Imad Mughniyah oo dhowaan geeriyooday. Shukr wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray qorshaynta iyo meel-marinta weerarki dhacay 23ka bisha Oktoo, 1983 ee Ciidamada U.S. Marine Corps ee Bayruut, Labanan dhexdeeda halkaas oo ay ku geeriyoodeen 241 askari Mareykanka ah lagu dilay.

(Qoraal Buuxa »)

Muhammad al-Jawlani

Abaalmarin Gaaraya Illaa $10 Milyan

Muhammad al-Jawlani, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Muhammad al-Golani, oo sidoo kale loo yaqaano Muhammad al-Julani, waa hoggaanka sare ee ururka argagaxisada, ururka al-Nusrah Front (ANF), al-Qaacidada Suuriya. Bisha Abriil 2013, al-Jawlani wuxuu ballan ku maray inuu naftiisa u hurayo al-Qaacida iyo hoggaamiyaheeda Ayman al-Zawahiri. Bishii Luulyo 2016, al-Jawlani wuxuu ammaanay al-Qaacida iyo al-Jawlani isagoo ka soo muuqday fiidiyow online-ka la soo dhigey oo wuxuu sheegey in magaca ANF la bedellayo oo loo bedelli dalayo Jabhat Fath Al Sham (“Conquest of the Levant Front”). Inta hoggaanka al-Jawlani la hoos imaanayay, ururka ANF waxay Suuriya dhexdeeda ka fulisay dhowr weerar argagax ah, inta badan iyaga oo shacabka bartilmaameedsanaya. Bisha Abriil 2015 dhexdeeda, ururka ANF waxaa la soo sheegey in ay afduubteen, oo wakhti ka dibna soo daayeen, ku dhowaad 300 qof oo shacab Kurdish iyagoo ka afduubtay bar kontarool oo Suuriya ku taala. Bisha Juun 2015 dhexdeeda, ururka ANF iyaga ayaa sheegtay mas’uuliyadda xusuuq lagu sameeyay 20 qof oo ahaa dad degan tuulada Druze ee Qalb Lawzeh oo ku taalay gobolka Idlib, Suuriya. (Qoraal Buuxa »)

Dilka Joel Wesley Shrum

Taizz, Yemen | 18ka Maarso, 2012

Taariikhdu markay ahayd 18ka bisha Maarso, 2012, Shrum, oo ay da’diisu ahayd 29, waa la toogtay oo la dilay isagoo shaqadiisa ku sii socda ee magaalada Taizz, Yemen, waxaa dilay qof qori ku hubbaysnaa oo mooto gadaal ka saarnaa isagoo gaarigiisa wada saaran dhinac dhigtay qofka mootada saarnaa. Xilligii la dilayay, Shrum wuxuu ka shaqayn jiray Xarunta Horumarinta iyo Tabbabarka Caalamiga [International Training and Development Center] isagoo maamule iyo macallin maadada Ingiriiska dhiga ka ahaa. Wuxuu markaas isaga iyo xaaskiisa iyo labadiisa carruur ay ku noolaayeen wadanka Yemen. Dhowr maalmood weerarka ka dib, ururka argaggixisada ee al-Qaidada jooga Arabian Peninsula (AQAP) ayaa mas’uuliyadda dilkaas sheegtay. Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada [Reward for Justice] waxay ku yaboohaysaa in abaal-marin ahaan ay ku bixinayso lacag gaaraysa ilaa $5 milyan oo doolar oo ay siinayso cidii keenta macluumaad u horseeda in la so qabto ama maxkamad lagu saaro qofkii geystay, qorsheeyay inuu geysto, ama gacan ka gaystay dilkii muwadinniintii Ameerikaanta ahaa ee lagu magacaabi jiray Joel Shrum. (Qoraal Buuxa »)

Abu Bakr al-Baghdadi

Abaalmarin Gaaraya Illaa $25 Milyan

Abu Bakr al-Baqdaadi, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Ducaa, oo sidoo kale loo yaqaano Ibrahim ‘Awwad Ibrahim ‘Ali al-Badri, waa mas’uul sare oo ka tirsan ururka argaggixisada, ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL). Cabsida al-Baghdadi aad ayay u siyaaday maadaama Waaxda Arrimaha Dibadda abaal-marinteeda koowaad ee ay ku dhawaaqday ahayd $10 milyan abaal-marintaas oo horseeda xogta la xiriirta goobta, soo qabashada, ama xukun dembi ee lagu dhawaaqay 2011. Bisha Juun ee 2014, ISIL (oo sidoo kale Daacish ku magac dheer) ayaa waxay la wareegtay xukunka qaybo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxayna ku dhawaaqeen in ay dhidibbada u taageen qaliifada Islaamka, oo al-Baghdadi qaliifada u dhiibeen. Sannaddihii ugu dambeeyay, ururka ISIL waxaa u soo kordhay midnimada kooxaha jihaad-doonka oo waxay maanka ka qabsaden shaqsiyaad kala jooga meelo badan oo dunnida ka tirsan, oo waxay dhiirigeliyeen weeraro Maraykanka ka dhex dhaca. (Qoraal Buuxa »)

Gulmurod Khalimov

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

Waa qof ka soo jeeda Tajikistan oo horey u ahaa korneel u qaabilsan howlwadeenka gaarka ah, abbaanduulyaha baliiska, iyo toogte gaar ah ee ciidamada waa Gulmurod Khalimov oo waa qof xubin ka ah Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [Islamic State of Iraq and the Leavant (ISIL)] oo waa qofka u qaabilsanaa qorista iyo shaqaalaysiinta xubnaha. Wuxuu ahaan jiray abbaanduuliyea gaarka ah ee qaybta ciidamada gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Tajikistan. Khalimov wuxuu ka soo muuqday fiidiyow dacaayad ah oo na xaqiijinnaya inuu ISIL u dagaalamaya oo wuxuu af-buuxa uu ugu dhawaaqay inuu qaadi doono tallaabo ficil celin rabsho ah oo lagu qaado dadka Ameerikaanka. (Qoraal Buuxa »)

Abu-Muhammad al-Shimali

Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

Hoggaanka Sare ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (ISIL) Hoggaamiyaha Xuduuda Tirad al-Jarba, oo loo yaqaano magaca Abu-Muhammad al-Shimali, waxaa lala xiriirinnayaa kooxda ISIL, kooxdaasoo horey loogu yeeri jiray oo magacoodu ahaa al-Qaida da Ciraaq, tan iyo ilaa sannadkii 2005. Hadda wuxuu hayaa jagada ugu sareyso ee ugu muhiimsan ee Guddiga Isku-duwida iyo (Qoraal Buuxa »)

Saliida iyo Waxyaabaha Qadiimiga ee si Suuq-madoow ahaan ay Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL)] uga ganacsada

Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada waxay ku yaboohaysaa abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyuun oo la siinaya qofkii keena xog ama macluumaad horseeda in carqaladeyn lagu sameeyo iibinta iyo/ama ganacsiga saliida iyo alaabaha qadiimka oo qaaliga ah oo loo gadado, laga gado, ama magacooda lagu iibiyo, ama loogu talagalo in ay ku faaidaystaan (Qoraal Buuxa »)