Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $2 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Xafiz Cabdul Raxman Makki, oo sidoo kale loo yaqaan Cabdul Raxman Makki. Makki waxa uu qabtay door hoggaamineed oo kala duwan gudaha Lashkar-e-Tayyiba (LeT), oo ah Urur Argaggixiso Shisheeye ee uu Maraykanku u aqoonsaday (FTO). Wuxuu sidoo kale uu door ka qaatay ururinta dhaqaalaha hawlaha LeT.
Sannadkii 2020, maxkamadda la dagaalanka argaggixisada Pakistan ayaa Makki ku xukuntay hal dacwad oo ah maalgelinta argaggixisanimada waxayna ku xukuntay xabsi. Dowladda Maraykanka waxay sii wadaa raadinta macluumaad ku saabsan Makki sababtoo ah nidaamka garsoorka Pakistan ayaa sii daayay hoggaamiyeyaasha LeT ee la xukumay wakhti hore.
Taariikhdu markay ahayad 4ta bisha Nofembar, 2010, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Makki waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Makki hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Makki la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO LeT.