Barnaamijka Abaalmarinta Cadaalaadda ayaa ku yaboohaysa abaalmarin gaaraysa illa $10 milyan ciddi keenta macluumaad ku saabsan Macalin Ayman iyo shaqsi kasta oo kale oo mas’uul ka ah weerarkii argagixisada ahaa ee Janaayo 5tii, 2020-kii ee lagu qadaay garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, Kenya. Xarunta Manda Bay waa saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay u siiyaan tababaro iyo taageero la dagaallanka argagixisanimada xulafadooda ee ku sugan Bariga Afrika, gurmaadka dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee mandaqada.
Aroornimadii hore ayaa dagaalyahannada al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen fariisimaha ku dhexyaalla saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka agagaarka garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, waxayna sidoo kale isticmaaleen baasuukayaal iyo hubka fudud. Labo duuliye oo qandaraasleyaal ahaa oo ka tirsana waaxda difaaca, oo labaduba ahaa muwaadiniin Mareykan ah, ayaa la dilay markii diyaaradahooda militariga lagu garaacay RPG-yada. Qandaraasle saddexaad oo ka tirsan waaxda difaaca, oo sidoo kalena haysta dhalashada Maraykanka, ayaa ka badbaaday qaraxa laakin waxaa soo gaaray dhaawac culus. Khabiir militariga Mareykan ahaana hagaha taraafikada hawada ayaa la dilay iyo labo kale oo ka mid ah shaqaalaha adeegga muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku dhaawacmay dagaalka.
Fiidiyoow ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Shabaab ee Shahada, ayaa afhayeenkooda wuxuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas.
Macalin Ayman hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah guuto weeraro ka fulisa dalalka Kenya iyo soomaaliya. Macalin Ayman wuxuu masuul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020-kii. Bishii Nofeembar 2020-kii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay u magacawday Ayman inuu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay.
Al-Shabaab – oo ah faraca ugu weyn ee Al-Qaacida ee Bariga Afrika – ayaa mas’uul ka ah weerarro argagixiso ah oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Bishii Maarso 2008-kii waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur Argagixiso Shisheeye ah iyo Argaggixiso Caalami oo Gaar ah. Sidoo kale, bishii Abriil 2010-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa u aqoonsaday Al-Shabaab inay yihiin urur sida ku xusan qodobka 8aad ee qaraarka 1844 (2008).