Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Weerarkii lagu qaaday hotel Cascaseey

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Abaal-marin

Up to $10 Million

Adiga kaalintaada ka qaado.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qof kasta oo ku lug leh weerarkii 2019 ay lagu qaaday hotel Cascasey oo ku yaala Kismaayo, Soomaaliya.

12-kii Luulyo 2019-kii, nin al-Shabaab ah oo ismiidaamiye ah ayaa gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay albaabka hore ee hotelka Cascaseey taas oo u fududdeeysay in al-Shabaab kale ay soo galaan dhismaha. Argagixisada weerarka geeysatay waxay halkaa ku dileen 26 qof oo uu ka mid ahaa mawaadin Maraykan ah. Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya ayaa waxay dileen afar ka mid ahaa argagixisada weerarka soo qaadey

Al-Shabaab ayaa waxay mas’uul ka tahay weeraro argagaxiso oo badan oo ka dhacay gudaha Kiinya, Soomaaliya, iyo dalalka deriska la ah weeraradaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa al-Shabaab ku dartay inay yihiin Urur Argagixiso Shisheeye [Foreign Terrorist Organization] (FTO) iyo Urur Argaggixiso Caalami oo Gaar ah [Specially Designated Global Terrorist] (SDGT) inta lagu jiray bishii Maarso 2008. Bishii Abriil 2010, ururka al-Shabaab waxaa sidoo kale u magacaabeen Guddiga Cunaqabateynta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ku cad qodobka 8 ee qaraarka 1844 (2008).

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content