Reward for Justice waxay bixinaysaa lacag gaaraysa ilaa $10 milyan oo doolar oo ay siinayso qofkii keena macluumaadka Mohamoud Abdi Aden, iyo qof kale oo kasta oo mas’uul ka ah weerarkii dhacay 2019 ee ururka argagaxisada ee al-Shabaab ay ku qaadeen dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nayroobi ee dalka Kiinya. Galabtii 15ka bishii Janaayo, 2019, rag al-Shabaab oo ku hubeysnaa walxaha qarxa, hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa weeraray xarunta ganacsiga ee DusitD2, dhismaha 6da ah ee ku dhex yaala dukaamo, xafiisyo, iyo hoteel. Ugu yaraan waxaa halkaas ku geeriyooday 21 qof, oo uu ku jiro hal qof oo muwaadin Maraykan ah, ayaa lagu dilay halka weerarka uu ka dhacay. Al-Shabaab — oo xiriir la leh ururka argagixisada ee Al-Qaacida — ayaa si toos ah u faafisay wararkii ugu dambeeyay weerarka oo ay soo bandhigtay wakaaladda wararka ee Shahada News Agency, oo waxay soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeen in weerarku ay qaadeen uu jawaab u ahaa tilmaan ay ka heleen. -Hogaamiyaha Qa’ida Ayman Zawahiri.
Aden, oo ah hoggaamiyaha al-Shabaab, ayaa gacan ka geystay qorsheynta weerarkii dhacay bishii Janaayo 2019. 17ka bishii Oktoobar, 2022, Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Aden waxay ku dartay inuu yahay Argaggixiso Gaar ah oo Caalami ah (Specially Designated Global Terrorist (SDGT)) sida hoos timaada Amarka Meel-marinta ee (E.O.). 13224, sida wax looga beddelay.
Al-Shabaab ayaa waxay mas’uul ka tahay weeraro argagaxiso oo badan oo ka dhacay gudaha Kiinya, Soomaaliya, iyo dalalka deriska la ah weeraradaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa al-Shabaab ku dartay inay yihiin Urur Argagixiso Shisheeye [Foreign Terrorist Organization] (FTO) iyo Urur Argaggixiso Caalami oo Gaar ah [Specially Designated Global Terrorist] (SDGT) inta lagu jiray bishii Maarso 2008. Bishii Abriil 2010, ururka al-Shabaab waxaa sidoo kale u magacaabeen Guddiga Cunaqabateynta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ku cad qodobka 8 ee qaraarka 1844 (2008).