Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $20 milyan oo ay siinayso qofkii keena xog horeyseedi karta goobta uu joogo, in la soo helo, iyo la soo celiyo Robert A. “Bob”. Levinson. Wakiil gaar ee FBI oo howl-gab ah, oo la la’ yahay inta safar ganacsi uu u joogay Jasiirada Kiish, Iiraan taariikhdu markay ahayd 9ka bisha Maarso, 2007. Levinson wuxuu FBI-da ka fariistay sannadkii 1998-kii oo waxana uu u shaqaynayay sidii baare khaas ah wakhtigii la waayay.
Bishii Diseembar 2020, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay laba sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah, Maxamad Baseri iyo Axmad Khazai, oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha afduubkii Levinson. Dowladda Maraykanku weli waxay sii wadaa raadinta macluumaadka dadka kale ee ku lug lahaa.