Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Sirajuddin Xaqqani

Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya

Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Sirajuddin Haqqani, oo sidoo kale loo yaqaano Sirajuddin Haqqani iyo Khalifa. Sirajuddin waa hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Shabakada Xaqqani Network (HQN), oo ah Urur Argaggixiso Shisheeye ee uu Maraykanku u aqoonsaday (FTO). Inta hoggaanka uu hayay, HQN waxay qorsheeyeen oo ay fuliyeen tiro badan oo afduubyo ah iyo weeraro lagu qaaday Xooggaga Isbaheysiga iyo Mareykanka ee jooga Afghanistaan, iyo sidoo kale dowladda Afghaan iyo bartilmaameedyo dhanka shacibka ah. Sannadkii 2015-kii, Sirajuddin waxaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaamiyaha Taliban, isagoo xoojinaya isbahaysiga ay la leeyihiin HQN iyo Taliban.

Inta lagu jirey wareysigii uu siiyay ururada warbaahinta Mareykanka, Sirajuddin wuxuu qirtay inuu qorsheynayay weerarkii 14 bisha Janaayo, 2008 ee lagu qaaday Hoteelka Serena oo ku yaal Kabul, Afghanistan, halkaas oo lagu dilay lix qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah oo lagu magaabi jiray Thor David Hesla. Sidoo kale Sirajuddin wuxuu qirtay inuu qorsheeyay isku daygii shirqoolka dhacay bishii Abriil 2008 ee la damacsanaa Madaxwaynaha Afghan Xamiid Karzai.

Taariikhdu markay ahayd 11ka bisha Maarso, 2008, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Sirajuddin Haqqani waxay u magawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Sirajuddin hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Sirajuddin la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO ga HQN.

Sawirada:

Goobaha ku Xiran:

Afgaanistan, Pakistaan

Tariikhda Dhalashada:

1970;1973;1977;1978

Goobta Dhalashada:

Danda, Miramshah, Afgaanistaan;Gobolka Khowst, Afgaanistaan;Degmada Neka, Pakistan, Afgaanistaan;Tuulada Srana, Degmada Garda Saray, ee Gobolka Paktya, Afgaanistaan;Pakistan

Jinsi:

Lab

Dhererka:

5’7″(170 cm)

Culeys:

150 lbs (68 kg)

Dhisnaan Jir:

Dhexdhexaad

Midabka Timaha:

Madow

Midabka Indhaha:

Bunni

Middab isku-dhafan:

Yar cad

NaanaysMagacyada Kale Higaada:

Sirajuddin Xaqqani Jalaluddin Khwasa Muxammad;Sirajuddin Xaqani;Serajuddin Xaqani;Sirajuddin Jallaloudine Xaqqani;Siraj Xaqqani;Siraj Xaqani;Saraj Xaqqani;Saraj Xaqani;Khalifa;Halifa;Khalifa (Boss) Shahib;Siraj;Seraj;Moxammad Siraj;Sarajadin;Cirodjiddin;Arkani;Axmed Zia

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content