Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ayaa abaalmarin gaaraysa illa 10 milyan oo doolar siinaysa ciddii keenta xog horseeda carqaladaynta hababka maaliyadeed ee kooxda dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS). ISIS waxay ku tiirsan tahay shabakadaha maalgelinta iyo fududaynta si ay u sii wadaan hawlgalladooda oo ay weeraro uga fuliyaan Suuriya iyo nawaaxigeeda.
Shabakadaha Daacish ayaa sameeyay lacago ay ku taageeraan dadaalada Daacish ay ka wado xeryaha barakacayaasha ee saldhigoodu yahay dalka Siiriya, iyagoo lacago ka aruuriyay wadamada Indonesia iyo Turkiga, kuwaasi oo qaarkood lagu bixin jiray qarashka caruurta laga soo dhoofiyo xeryahaasi, kadibna lo geeyo dagaalyahanada Daacish ee ajnabiga ah, si ay u noqdaan dad la qori doono.
Taageerayaasha ISIS ee in ka badan 40 waddan ayaa lacag u diray shakhsiyaadka xiriirka la leh ISIS ee ku jira xerooyinkan si ay u taageeraan soo noqoshada mustaqbalka ISIS. Al-Hawl —oo ay ku nool yihiin illaa 70,000 oo qof, oo ah kuwa ugu badan ee xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla waqooyi bari Suuriya —taageerayaasha ISIS waxay helaan illaa $20,000 bishiiba iyadoo loo sii marinayo xawaalada, habka wareejinta aan rasmiga ahayn. Inta badan xawaaladahan ayaa ka yimid meelo ka baxsan Suuriya ama waxa ay soo mareen wadamada dariska ah sida Turkiga.
Hawlgallada sharci darrada ah ee saliidda iyo ka ganacsiga walxaha qadiimiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa ah ilo dhaqaale oo muhiim ah oo soo saara lacag adag oo awood u siinaya ISIS inay fuliso xeeladaheeda arxan darrada ah iyo inay caburiso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Burburinta iyo bililiqada kooxda ISIS ay ka geysato goobaha dhaqanka iyo taariikhiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq waxay burburisay caddaymo aan la bedeli karin oo muujinaya nolol iyo bulsho hore.
Qadaadiicda qadiimiga ah iyo kuwa taariikhiga ah, dahabka, dhagaxyada la xardhay, farshaxannada, tabeellooyinka, iyo dhagaxyada qoraallada hore ayaa ka mid ah noocyada walxaha dhaqameed ee ISIS ay ka ganacsadaan. Iyada oo taageero laga helayo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Golaha Matxafyada Caalamiga ah waxay horumariyeen Liisaska Cas ee Degdegga ah ee Walxaha Dhaqanka ee Khatarta ku jira si ay u soo bandhigaan qaybaha walxaha dhaqameed ee laga soo dhacay Suuriya iyo Ciraaq. Halkan ayaa laga arki karaa iyo halkan.