Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Shabakada Xaqaani (HQN)

Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya

Adiga kaalintaada ka qaado.

Shabakada Haqqaani (HQN) waa urur mintidiin ah oo ka howlgala wadamada Afgaanistaan iyo Pakistaan oo la aasaasay dhamaadki sannadkii 1980kii. HQN waxay qorsheeyeen oo ay fuliyeen weeraro tiro badan iyo afduubyo lagu qaaday Xooggaga Isbaheysiga iyo Mareykanka ee jooga Afghanistaan, iyo sidoo kale dowladda Afghaan iyo bartilmaameedyo dhanka shacibka ah. Bishii Juun 2012, weerar ismiidaamin ah oo HQN ay ku qaadeen saldhig ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin magaalada Khost ee dalka Afgaanistaan, ayaa waxaa lagu dilay laba askari oo Maraykan ah, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 100 kale. Saraakiisha Afghanistaan ayaa ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxda HQN inay mas’uul ka tahay qarax gaari xamuul ah oo bishii Maajo 2017 ka dhacay magaalada Kabul kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 150 qof. HQN ayaa la rumeysan yahay inay mas’uul ka ahayd qaraxii dhacay bishii Janaayo ee sannadkii 2018-kii ka dhacay magaalada Kabul oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof. Saraakiisha dalka Afgaanistaan ayaa sidoo kale ku eedeeyay ururka HQN inay mas’uul ka ahaayeen weerar bishii Janaayo 2018 lagu qaaday Hotel Intercontinental ee magaalada Kabul oo ay ku dhinteen 22 qof.

Taariikdu markay ahayd 19ka bisha Seteember, 2012, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa HQN u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 7da bishii Seteember, 2012, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa HQN waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee HQN, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay HQN la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo HQN.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content