Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argagixisada ah ee Al-Shabab. Shabakadaha maalgelinta iyo fududaynta ee Al-Shabaab ayaa ka caawiya sii wadida fulinta hawlgaladooda iyo maalgelinta weerarrada argagixisanimo ee lagu dilay kumannaan rayid ah oo aan waxba galabsan iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
Al-Shabaab waxa ay ku maalgeliyaan habab kala duwan hawlahooda argagixisanimo, sida laaluush, baad, xawaaladaha, afduubka, iyo lacag-dhaqidda balse waxa ay sameeyeen ilo dhaqaale oo iyaga u gaar ah, ka mid ah baadda dadka waayeelka ah, ganacsatada iyo beeraleyda, ka faa’iidaysiga ganacsiga baabuurta, xawaaladaha moobilka, iyo xadgudbyada lagu sameeyay xoola-dhaqatada. Dhul balaarsiga ay wado Al-Shabaab waxay sidoo kale si sharci darrada ah dakhli dhaqaale uga helaan qodidda macdanta, ka ganacsiga dhuxusha, daroogada (oo ay ka iibiyaan kooxaha dambiilayaasha ah), foolka maroodiga, xoolaha, iyo sonkorta. Al-Shabaab waxa ay sidoo kale canshuuro ku soo rogaan dadka, shirkadaha, burcad-badeedka, waxayna ka qaadaan lacago waxsoo saarka beeraha iyo dhulka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa abaal-marinno siinaysa wixii macluumaad ah ee u horseeda carqaladaynta:
–Ilaha dhaqaale ee muhiimka u ah Al-Shabaab (sida: baadka iyo canshuuraha, tahriibinta alaabta kontarabaanka ah, hubka iyo ka ganacsiga daroogada)
–Ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah (sida jarista dhirta, macdanta)
–Tabarucaadka maaliyadeed oo ay deeq-bixiyeyaashu iyo fududeeyayaasha dhaqaalaha u fidiyaan al-Shabaab
–Isticmaalka hay’adaha maaliyadda iyo xawaaladaha si ay lacagaha u xawilaan oo ay u helaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah iyaga oo ka wakiil ka ah al-Shabaab
–Ganacsiga ama maalgashiga ay leeyihiin ama ay maamulaan Al-Shabaab ama maalgeliyayaasheeda
–Dhaqdhaqaaqyada caalamiga ah ee shirkadaha xiriirka la leh Al-Shabaab, kuwaas oo ku hawlan wax kala beddelasho maaliyadeed (tusaale ahaan, ka ganacsiga baabuurta).
–Qorshayaasha dembiyada ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab iyo taageerayaasha kuwaas oo ka macaasha dhaqaalaha (tusaale, afduubka, iyo xadida xoola-dhaqatada)
–Qorshayaasha maaliyadeed ee sharci darrada ah ee al-Shabaab (tusaale, lacag-dhaqidda), lacagaha iyo agabka ay Al-Shabaab ku wareejiso wakiiladeeda, maleeshiyadeeda iyo shuraakahooda
Maarso 18, 2008kii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso Shisheeye ah sida uu dhigayo Qeybta 219 ee Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo wax laga beddelay. Ka dib, Maarso 19, 2008, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyay iyadoo la raacayo Amar fulinta ee 13224 iyo wax ka beddelkeeda. Sidaa darteed, dhammaan hantida iyo danaha Al-Shabaab ee ku hoos jira dhulka Mareykanka ayaa la xannibay, waxaana guud ahaan dadka Mareykanka laga mamnuucay inay wax ganacsi ah la sameeyaan Al-Shabaab. Waa dambi in si ula kac ah loo bixiyo ama la isku dayo in taageero maadi ah ama agab la siiyo Al-Shabaab.