Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Shabakada Afduubka ee Kooxda (Culimo)

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo doollarka Maraykanka ah ciddii soo sheegta xog ku saabsan shabakadaha afduubka ISIS ama macluumaadka u horseedaya goobta, soo kabashada, iyo soo celinta Maher Mahfouz, Michael Kayal, Gregorios Ibrahim, Bolous Yazigi, iyo Paolo Dall’Oglio.

Taariikhdu markay ahayd 9ka bishii Febraayo, 2013, wadaad Diimeed oo Greek ah Maher Mahfouz iyo wadaad Armeeniyan ah oo diinta Katooliga haysata oo lagu magacaabo Michael Kayyal ayaa saarnaa bas dadweyne oo u socdaalayay guri keniisad oo ku yaal, Kafun, Suuriya. Qiyaastii 30 kiiloomitir ka baxsan magaalada Aleppo, Suuriya, kuwo looga shakisan yahay inay yihiin xagjiriinta ISIS ayaa joojiyay gaariga, waxay baareen dukumiintiyada rakaabka, ka dibna waxay baskii ka soo dejiyeen Mahfouz iyo Kayyal. Markaas ka dib lama arkin la mana malin.

Taaraakhdu makay ahayd 22da bishii Abriil, 2013, Waddaad diinta Masiixiga oo lagu magacaabo Gregorios Ibrahim ayaa wuxuu ka safray Aleppo kuna socdayTurkiga si uu u soo qaado Wadaad Kariistaan ah oo Giriiga ah laguna magacaabo Bolool Yazigi. Markii ay gaareen bar koontarool oo u dhow al-Mansoura, Suuriya, dhowr nin oo hubaysan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday wadaadadii oo waxayna ka qabsadeen gaarigooda. Wakhti ka dib waxaa la helay darawalka wadaadka. Wadaadadii ayaa waxaa markeedii hore la rumeysnaa in markii hore ay afduubteen shakhsiyaad xiriir la leh al-Nusra, waa koox xiriir la leh al-Qaacida;hase yeeshe, wadaadadii ayaa wakhti ka dib loo wareejiyay ururka ISIS.

Taariikhdu makay ahayd 29ka bishii Luulyo, 2013, ISIS ayaa waxay Raqqah dhexdeeda ka afduubtay Wadaad Talyaani ah oo lagu magaab Jesuit Paolo Dall’Oglio ee Raqqah, Suuriya. Wadaadka Dall’Oglio ayaa wuxuu qorsheynayay inuu la kulmo ISIS si uu u waydiisto in la soo daayo Mahfouz, Kayyal, Ibrahim iyo Yazigi. Tan iyo markaas lama arkin la mana maqlin.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content