Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ayaa abaalmarin gaaraysa illa 10 milyan oo doolar siinaysa ciddii keenta xog ku saabsan hoggaamiyaha ISIS-K Shahab al-Muhajir. Bishii Juun 2020, hoggaanka ISIS ayaa u magacaabay Shahab al-Muhajir, oo sidoo kale loo yaqaan Sanaullah Ghafari, inuu noqdo hoggaamiyaha ISIS-Khorasan, oo ah urur Argagixiso Shisheeye ah oo uu Maraykanku u aqoonsaday. Bayaan ka soo baxay ISIS ayaa magacaabay Shahab al-Muhajir laguna tilmaamay Shahab al-Muhajir inuu yahay taliye khibrad leh iyo mid ka mid ah “Libaaxyada magaalada” ISIS ee Kabul oo ku hawlan dagaal jabhadeed iyo weeraro is-miidaamin ah. 1994kii Al-Muhaajir waxa uu ku dhashay dalka Afgaanistaan, waxa uuna mas’uul ka yahay ansixinta iyo bixinta dhaqaalaha dhammaan howlgallada Daacish ee Afgaanistaan.