Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Nazem Said Ahmad

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe | Yurub iyo Eurasia

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Xizballah.

Nazem Saciid Axmed waa maalqabeen caan ah oo fadhigiisu yahay dalka Lubnaan oo waana maalgeliyaha weyn ee kooxda Xisbullah.

Axmad waa mid ka mid ah deeq-bixiyayaasha ugu sarreeya ee Xisbullah, isaga oo dhaqaale ka soo saara xiriirkii dheeraa ee uu la lahaa ganacsiga “dheemanka dhiigga”. Hizballah waxay u adeegsataa Axmad iyo shirkadihiisa si lacag aad u badan ay isugu kala xawilaan kooxda argagixisada ah. Dabayaaqadii sanadkii 2016-kii, Axmad waxaa loo aqoonsaday inuu yahay deeq-bixiye dhaqaale oo weyn oo Xisbullah kaas oo lacag u soo mariyey shirkadihiisa Xisbullah oo si shakhsi ah dhaqaale u siiyey Xoghayaha Guud ee Xizballah Hasan Nasrallah. Axmad waxa kale oo uu ku lug lahaa xatooyo ku soo gelinta “dheemanka dhiigga”oo uu hore ganacsiyo ugu lahaa Belgium oo ay ka faa’iidaysteen kooxda Xisbullah.

Axmad wuxuu dhaqaalihiisa gaar uu ku kaydiyaa farshaxan qiimahiisa sareeyo oo wuxuu isku dayaya inuu ka dhuunto saamaynta cunaqabataynta ay ku soo rogtay dowladda Maraykanka, waxa uuna ka furay goob farshaxan oo ku taal Beirut isaga si lacagaha isu dabamariyo. Axmad wuxuu qabaa oo uu urursaday farshaxan badan oo gaaraya tobanaan milyan oo doollar, oo ay ku jiraan farshaxannada ay sameeyeen Pablo Picasso iyo Andy Warhol, farshaxannadaas oo intooda badan lagu soo bandhigay badhigyadiisa iyo gurigii uu ku lahaa Beirut. Iyadoo uu u soo maro isugudbin lacago aad u tiro badan iyo macaamil maaliyadeed oo sharci darro ah, Axmad wuxuu isku dayay inuu hantidiisa ka ilaaliyo inuu ka bixiyo canshuuraha sharciga ah. Isaga ka qarinaya dowladda Lubnaan lacagaha sharci darada uu ku helay, Axmad wuxuu dowladda iyo dadka Lubnaaniista uu u diiday dakhli canshuureed oo aad loogu baahnaa iyadoo waddanku uu wajahayo caqabado dhaqaale oo daran.

Taariikhda markay ahayd 13ka, bishii Diseembar, 2019, Waaxda Maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa Axmad ku dartay magacyada Argagixisada caalamiga liiskaaga oo si gaar ah loogu talagalay iyada oo la raacayo Amarka Fulinta ee xeerka 13224 isaga oo agab ahaan ku caawiyay, kafaala qaaday, ama bixiyay taageero maaliyadeed, mid agab, ama tignoolajiyad, ama alaab ama adeegyo ama si kale kooxda Xisbullah u taageeray. Magacaabiddan loo magacaabay darteed, iyo cawaaqibyo kale, ayaa waxay dhalisay in hantida iyo danaha hantida kuwa loo qoondeeyay ee ku xiran awoodda Mareykanka waa la xannibay, dadka Mareykankana waxaa guud ahaan laga mamnuucay inuu wax ganacsi dhex maro. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xisbullah, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.

Sawirada:

Sawirdabi-derbi:

Fiidiyow:

Goobaha ku Xiran:

Beljim, Lubnaan

Degaannada la Yaqaan:

Beirut, Lubnaan

Tariikhda Dhalashada:

Janaayo 5 1965

Goobta Dhalashada:

Siiraaliyoon

Muwadinnimo:

Belgium

Dhalashada:

Lubnaan

Jinsi:

Lab

NaanaysMagacyada Kale Higaada:

Nazem Siciid Axmed;Naasim Siciid Axmad;Naasim Axmad;Nizam Saed Ahmad, Nazem Ali Ahmad;Nazem Siciid Axmad;Nazem Siciid Axmed

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content